Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino (Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye)

Ballan-qaad afka ah….Dib haddaan u aammino (Gorfeynta Barnaamajkii Doorashadii 2010kii ee Xisbiga Kulmiye)

boobe2

(Salaanmedia.com) Nin hal-abuur ahaa oo dhintay ayaa la weydiiyay sababaha ay beryahan dambe wax u curin waayeen. Wuxu ku jawaabay oo maxaanu curinnaa suugaantii hore ayaa sideedii u taagan

Wadaamaha la dawdabay,
Dan-yartay ka maqan tahay,
Raacdadu ma daallana,
Dorraad iyo shalay-jire,
Doorka maanta noo jire,
Dib-u-jire hadhow-jire,
Ninba weel u daray baa,
Deyn loogu leeyahay,
Diiwaanka qarankiyo,
Taariikhdu dug ma leh,”

Maansadii Awrka dooh ma lagu yidhi ee Cabdi Iidaan Faarax ee Deelleeydii kuna taariikheysneyd: 7/4/1980kii, Hargeysa,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale, cankaabo@hotmail.com,www.dharaaro.com
Qormada: 5aad
21/12/2014ka Hargeysa,
Nin hal-abuur ahaa oo dhintay ayaa la weydiiyay sababaha ay beryahan dambe wax u curin waayeen. Wuxu ku jawaabay oo maxaanu curinnaa suugaantii hore ayaa sideedii u taagan e’. Allow ma run! Bal hadda aan soo qaadanno Muuse Cali Faruur. Waa 28/2/1980kii isaga oo Hargeysa joogay oo Deelleeydii kaga qayb-galay maanso magaceedu ahaa: Deelleey Markhaati leh. Tuduc ku jiray oo
xulashada wasiirrada ku saabsanaa ayaa ahaa:

Taliyihii dagaalkee,
Dirirtuun la barayee,
Daaddihin yiqiin baa,
Dhakhtarkii dul saarane,
Waaryaadhay bal daawada,
Sida loo dagaagilay,
Dawo kuuma qori karo,
Dalab uma samayn karo,
Wax qof lagu dabiibana,
Duruustiiba kuma dhigan,
Dable iyo sarkaal iyo,
Dabaabado ma yaalliin,
Is-na waa la daayacay,
In uu duunyo booboo,
Denbi galo ha joogtee,
Dal hadduu wax tari laa,
Dad hadduu wax bari laa,
Ka hallow dariiqoo,
Halkaasay ku dumug tidhi,

Muuse Cali Faruur wuxu u jeeday oo keliya in aan qof walba xilkii uu ku habboonaa loo dhiibin ee xulashadii iyo xil-qaadkiiba indhaha laga riday. Xil iyo gudshadii lama qiimayn ee qof iyo raalli-gelintii ayaa intii ma-durugtada-hagratay geelii loogu diray. Qof ama qudh wixii soo raaca ee la soo qaadaa waa qabiil lagu goblamay.

Aynu ku noqonno Barnaamajkii ballan-qaadka ahaa ee Xisbiga Kulmiye. Waa Bogga 12aad. Waa cinwaan-yare ku xardhan: Dibuhabaynta Hay’adaha Xukuumadda, waxaanu u qoran yahay:
“Kulmiye waxa uu dib-u-eegis qoto dheer ku sameyn doonaa Hay’adaha Xukuumadda ee hadda jira si loo waafajiyo baahiyaha Qaran ee jira, waxa lagu sameyn doonaa dibuhabeyn sal iyo baar ah si ay u gutaan xilkooda iyo habsami-u-socodka hawl-maalmeedka ay u hayaan bulshada.”
Oo taasi ma dhacday? Bal maankiinna la kaashada. Xukuumaddan Siilaanyo Wasaaradihii ay meesha ugu timid oo malahayga ay wax ku dartay ayay magacawday. Diraasad qoto dheer iyo mid qoto gaaban midna lama samayn. Aan daliilkayga ku soo koobo: Wasaaradda Boosta iyo Is-gaadhsiinta ayaa jirta iyada oo aanay Naafada iyo Agoontu Hay’ad ka mas’uul ah lahayn. Bal tabaalahaa daya.
Waxa jira hay’ado dawladeed oo wareegto ku magacaaban oo miisaaniyadaha ugu badan loo sameeyo, Golayaasha Xeer-dejintana aan marin. Bal ka warrama dee dhabanka iyo gacmuhu yaanay isku kiin engegin e’. Ku soo noqo Barnaamajkii Xisbiga Kulmiye ku galay doorashadii Madaxweynaha ee 26kii Juun 2010kii. Markanna waa Bogga 12aad. Waa qayb ku suntan: Dhammaystirka Hannaanka Dimuqraadiyadda.
Qodobkani wuxu u dhignaa sidan hoos ku xardhan:
“Hirgelinta hannaanka dimuqraaddiga ah oo waafaqsan Diinta Islaamka iyo dhaqankeenna suubban ee Soomaaliyeed iyada oo laga faa’iidaysanayo waayo-aragnimada wax-tarka leh ee dadyowga adduunka ee dimuqraaddiga ah.
Isaga oo taas ka duulaya, Kulmiye waxa uu furi doonaa Xisbiyada si loo dhiirri-geliyo ka-midho-dhalinta nidaamka Xisbiyada badan, u-tartanka xorta ah ee hoggaaminta dalka, adkaynta hay’adaha dimuqraaddiga iyo ka-qayb-galka dadweynaha ee talada dalka, isaga oo bilow ahaanba furaya ururradii siyaasiga ahaa si ay ugu tartamaan doorashada Golayaasha Degaanka ee ugu soo horreeya si waafaqsan Xeerka Doorashooyinka.”
Si aynu u kala saarno waxa qabsoomay iyo waxa aan qabsoomin, aynu qodobbaysanno qaybtan ballan-qaadka ahayd:
• Ururradii waa la furay, waxaanay u tartameen in ay Xisbiyo noqdaan in kasta oo ay jireen cabashooyin,
• Waa dhab oo waxa ka soo baxay saddexda Xisbi Qaran ee maanta jira ee Kulmiye, UCID iyo Waddani,
• Lama adkayn hay’adihii dimuqraadiyadda iyo ka-qayb-galkii dadweynaha,
• Guddidii Qabanaqaabada doorashooyinka waa la sarrifay oo waxa laga dhanbalay Guddida Diiwaan-gelinta Ururrada iyo Xisbiyada oo fadhiid iska noqotay,
• Doorashooyinka Golayaasha Degaanka waa la qabtay daba-yaaqadii 2012kii, in kasta oo ay ahaayeen kuwii ugu liitay uguna rabshadda badnaa ee taariikhda dalka soo mara. Isla markaana waxay ahayd doorashadii keli ahayd ee ay Xukuumaddan Siilaanyo qabatay intii ay talada dalka haysay,
Aynu u gudubno Bogga 13aad ee Barnaamajkii Xisbiga Kulmiye ee 2010kii. Qodobkanina wuxu ku suntan yahay:Kala-madax-bannaanaynta Awoodaha Hay’adaha Qaranka. Qodobkani sidan hoose ayuu u qoran yahay:
“Xisbiga Kulmiye waxa uu ku tallaabsan doonaa qorshe cad oo saldhig adag loogu sameynayo waajib-gudashada Hay’adaha qaranka, isaga oo hubinaya kala-madax-bannaanaynta, is-ilaalinta iyo isu dheelli-tirka awoodaha hay’adaha Dawladda ee Fulinta (Executive), Garsoorka (judiciary) iyo Sharci-dejinta (Legislative).”
Ilaahay baa ina lehe, dee marka hore Xisbi Kulmiye la yidhaahdo oo talada dalka hayaa ma jiro. Waxa se jira oo aanay cidina dafiri karayn in ay jirto Xukuumad Dhexe oo xooggan oo kooxaysan oo talada dalka gacanta ku haysaa. Xukuumaddan jirtaa meel aanay faro-gelin oo aanay gacan-togaalayni in aanay jirin ayaan filayaa.
Ma qodobbaysannaa si aanay arrintu inooga baahin:
• Xisbi Kulmiye la yidhaahdo oo arrin ama talo gacanta ku hayaa ma jiro e’, Xukuumadda Siilaanyo kuma ay tallaabsan qorshe cad oo saldhig adag loogu sameynayo waajib-gudashada Hay’adaha qaranka, iyada oo hubinaysa kala-madax-bannaanaynta, is-ilaalinta iyo isu dheelli-tirka awoodaha hay’adaha Dawladda ee Fulinta (Executive), Garsoorka (judiciary) iyo Sharci-dejinta (Legislative).”
• Xukuumadda dalka ka talisaa ma ay dhowrin mana ay xurmayn kala-madax-bannaanida hay’adaha qaranka, gaar ahaan Xeer-dejinta oo aynu ka wada dheregsan nahay gabbood-falkii ku dhacay dhowrka jeer sannadkan gudihiisa ee ay dalka iyo dadkuba halista ku galeen,

(La soco berri, haddii Eebbe idmo)