Daawo: Madaxweyne Obama Oo Ku Hanjabay In Dalkiisu Si Adag Uga Jawaabi Doono Weerarkii Lagu Jabsaday (Hacker)-Gareeyay Shirkada Sony Pictures

Washington, (Salaanmedia.com/Agencies):- Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa ka hadlay jawaab kulul oo dalkiisu ka bixin doono, weerarkii lagu jabsaday (Hacker)-gareeyay shirkada Sony Pictures oo hore dawlada Maraykanku ugu xidhiidhisay in Kuuriyada Waqooyi ka danbaysay.

Obama oo ka hadlayay shir saxaafadeedkiisa bilaha ah ayaa weerarkan ku tilmaamay mid xadkii la eegan karayay dhaafay, waxaanu balan ku qaaday talaabo adag oo cidii ka danbaysay laga qaadi doono, sidoo kale waxa uu ka hadlay cuno qabataynta Kuba dalkiisu ka qaaday iyo xidhiidhka labada dhinac oo wanaagsada