Daawo Muuqaal:-Musuq-Maasuqa Hadheeyay Wasaaradaha Dalka Oo Guddoomiyaha Gudida Daba Galku Ku Soo Bandhigay Golaha Wakiilada

Hargaysa(Salaanmedia.com)Guddoomiyaha Gudida Dabo Galka Hantida qaranka Ee Golaha wakiilada somaliland Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (Obama)Ayaa Maanta warbixin ku saabsan Musuq-maasuqa ay wasaaradaha Dalka ku kacaan ku Soo bandhigay Golaha wakiilada. Fadhigan Oo uu shir guddoominyaya Guddoomiyaha Golaha wakiilada somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa waxa uu guddoomiyaha gudidu Golaha ka hor Akhriyay Safaro ay ku tageen Gobolada dalka qaarkood Khilaafyadii Soo kala dhex galay Golaha Deegaanka Gobolada Saamaynta uu ku yeeshay Shaqadoodii. Waxa uu Soo bandhigay wasaaradaha Dalka Shaqaalaha Gobolada U jooga Xafiisyada ay ku leeyihiin Iyo lacagaha ay qataan Shaqaalaha Halkaasi jooga.