Dalabkii Weftiga Dhaqanka , Diidmadii Sul. Wabar Iyo Dhawaaqii Shalay Salaadiinta Beesha Samaroon

Dalabkii Weftiga Dhaqanka , Diidmadii Sul. Wabar Iyo Dhawaaqii Shalay Salaadiinta Beesha Samaroon

Dalabka

Boorama, (Salaanmedia.com)- Salaadiinta Gobolka Awdal ee loo xilsaaray, isuna xilsaaray furdaaminta xiisada ka dhalatay dhawaaqii Suldaan Wabar iyo soo xero gelinta Suldaankaa dhawaaqay laftigiisa, ayaa shalay shir ay ku qabteen magaalada Boorama, kaga dhawaaqay, inay u suurta geli wayday keenidii Suldaan Wabar, kadib markii siday sheegeen xidhiidh ay la sameeyeen ay ku hogoomeen.
Suldaan Dhawal oo ka mid ah Salaadiinta Gobolka Awdal oo shirkaas ka hadlay ayaa sheegay inay ku hugoobeen xidhiidhkii ay la sameeyeen Suldaan Wabar, isla markaana ay ka waayeen jawaab shaafida.wuxuu intaa raaciyay inuu Suldaanku keli ku yahay fekerkiisaa reer Awdalna ay yihiin reer Somaliland waxaana hadalkiisii ka mid ahaa oo uu yidhi,“Waxaanu doonaynay inaanu la kulano Suldaan Wabar, laakiin runtii way noo suurta geli wayday. Raggii duqayda ahaa ee aanu u diray wax muddo ah noomay keenin, nambarkiisiina waanu waynay oo nalooma keenin. Waxaanu halkan ka cadaynaynaa haddii aanu nahay Duqaydii guddida galbeedka ee gedabiirsi in aanaan wax shaqo ah ku lahayn arrinkaa. Suldaankaa wallaalkayo ahna waxaanu leenahay walaal ka soo noqo halkaas, kuna soo noqo talada iyo arrinka. Anagu Somaliland baanu nahay, meel aanu kaga baxnay ama kaga tashanayna ma jirto. dalka iyo dadka ayaanu Somaliland ku nahay. Ummaddu haddii ay tabasho ama saami qaybsi yimaado maaha in wax kale la dhex geliyo, waana ka xunahay cid kasta oo arinkaas wax kale dhex galinaysa, waxaase biyo kama dhibcaan ah in tabashadayada iyo saami qaybsigu barteedii taagan tahay, waxaanu wax kuwada leenahay ee aanu wax ku wada qabsanaynaana waa Somaliland iyo wada lahaashiyaheeda. Waxaan ku soo gunaanadayaa, anagu haddii aanu nahay Duqaydii bilaw ilaa dhamaad wixii aanu soo qabanay waanu u fadhinaa, waxaanu halkaa u gaynayna waa wax wada lahaan shaha.”

Sidoo kale Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar, oo isna halkaas ka hadlay waxa hadalkiisa ka mid ahaa oo uu yidhi,“Kaw waxa weeye Suldaan Wabar arrinkii uu ku dhawaaqay waa mid Suldaankaa keli ku ah, oo aanan la qabin.Arrinkaasi ninkii ku dhawaaqay ayuu ku eg yahay, anaguna haddii aanu Dhaqankii nahay waxaanu cadaynaynaa inaanu nahay reer Somaliland. Walaalkayana waxaanu ugu baaqaynaa oo aanu ku leenahay Suldaan Abiibakarow dhawaaqaa ka soo noqo, marka aad ka soo noqotidna nabadgelyo ugu soo noqo magaaladadii, waayo feker qof keliyi wataa ma soconayo. Wada jirkaas iyo midnimadaas aynu samaynay maanta ayaynu ku hoggaaminaynaa reerkeena, arrinkaas aad ku dhawaaqdayna wuxuu inoo keenayaa furfur iyo kala tag, wuxuuna ka soo horjeedaa midnimadii. Garnaqsigii Saami qaybsigana kama hadhayno, halkii ayuu noo yalaa ee ha nalaga war sugo, una dulqaadan mayno cid danbe oo ku xoqota oo siyaasadaysa ama baabi’isa.”
Salaadiin iyo cuqaal kale ayaa Iyana sidaas oo kale uga hadlay madashaa, waxaanay dhamaantoodba isku raaceen oo carabka ku dhufteen, in suldaanku keli ku yahay arrinkaa, isla markaana reer Awdal yihiin reer Somaliland, xuquuqdoodana aanay cidna marti uga noqonayn. “goosasho nin kasta oo ku dhawaaqa ma rabno, lamana qabno, mana ogolin, waxaanu ka mid nahay Somaliland oo aanu kaw ka nahay”. Sidaa waxa yidhi mid ka mid ahaa madaxda dhaqanka ee madashaa ka hadashay.
Dhanka kale waxay ugu baaqeen qurba jooga deegaankaa, inay shilinkooda u meel dayaan oo ay iska daayaan taageerida wixii dhibaato mooyee aan faa,iido dadka u ahayn.
Lama oga talaabadda ay dawladdu qaadi doonto, mar haddii salaadiintii gobolku sidaa ku dhawaaqeen oo ay gacmaha ka taagteen arrintii suldaan wabar.