Ethiopia Oo Daboolka Ka Qaaday In Ay Isu Diyaarinayso Sidii Ay Soomaaliya U Geyn Lahayd Ciidamo Badala Kuwii Sierra Leone

Ethiopia Oo Daboolka Ka Qaaday In Ay Isu Diyaarinayso Sidii Ay Soomaaliya U Geyn Lahayd Ciidamo Badala Kuwii Sierra Leone

etoob

Addis-Ababa-(Salaanmedia.com)- Raysal Wasaaraha dalka Ethiopia, Dawlada dalka Ethiopia,Hailemariam Desalegn, ayaa sheegay in dawlada Ethopia ay isu diyaarinayso sidii ay u kordhin lahayd tirada ciidamadda ka jooga gudaha Soomaaliya ee qeybta ka ah hawl-galadda nabad illaalinta ee ciidamada AMISOM, kaddib markii ay Soomaaliya ka baxeen ciidamadii ka tirsanaa AMISOM, ee ka socday dalka Sierra Leone, Raysal Wasaaraha oo kula hadlay warfidiyeenada caasimada dalkiisa ee Addis Ababa, ayaa daboolka ka qaaday in dawladiisu ay diyaar u tahay in ay si degdeg ah u fuliso dalab kasta oo uu Midawga Afrika, kaga codsanayo Ethiopia, in ay Soomaaliya u soo dirto ciidamo badal u noqonaya ciidamadii AMISOM, ee ka socday dalka Sierra Leone, ee dhawaan Soomaaliya ka baxay

Sarakaal sare oo Janaraal ah oo ka tirsan ciidamada Sierra Leone, oo lagu magacaabo Samuel Omar Williams, ayaa hore u shaaciyay in ciidamadda wadanka Sierra Leone, ay ka bxi doonaan Soomaaliya, kaddib markii la joojiyay in Soomaaliya la geeyo ciidamo ka socda wadanka Sierra Leone, iyada oo looga baqo qabo cudurka halista ah ee Ebola, iyada oo dalka Sierra Leone, oo ka mid ah wadamadda Galbeedka Afrika ee uu sida xun u saameeyay cudurka Ebola. SOURCE- HALKAN KA AKHRI FAAH-FAAHINTA WARKAN OO GUJI LINK-GAN HOOSE