Guddoomiye Cirro Oo Xilalkii U Kala Wareejiyay Xoghayihii Warfaaftinta Iyo Xoghayaha Cusub

Guddoomiye Cirro Oo Xilalkii U Kala Wareejiyay Xoghayihii Warfaaftinta Iyo Xoghayaha Cusub

m.boobe-.cirro_-150x150

Hargaysa, (Salaanmedia.com)-Munaasibad balaadhan oo xilalka loogu kala wareejinayay Xoghayihii hore ee warfaafinta Maxamed Xasan Dirir iyo Xoghayaha cusub Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa ka shalay ka dhacday Xarunta guud ee xisbiga WADDANI ee magaalada Hargaysa.
Munaasibadan oo goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Cirro iyo masuulin kale.
Ugu hore waxa madasha xil wareejinta ka hadlay xoghayihii hore ee warfaafinta Xisbiga WADDANI Maxamed Xasan Dirir isagoo ka soo jeediyay madasha waxyaabihii intii uu xilka yahay u qabsoomay iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay waaxda warfaafinta Xisbiga WADDANI.
Dhinaca kale, waxa munaasabada ka hadlay xoghayaha cusub ee warfaafinta xisbiga WADDANI Mujaahid Boobe Yusuf Ducaale iyo ku xigeenkiisa Cabdirashiid Maxamed Aadan (jeeni) kuwaas oo hadalo koob kooban ka soo jeediyay munaasabada ay xilka kula wareegayeen, iyagoo uga mahad naqay xoghayihii hore ee warfaafinta xisbiga heerka uu soo gaadhsiiyay waaxda warfaafinta xisbiga iyo waxqabadka muuqda ee uu samayeeyay intii uu faraha ku hayay hawshan.
Ugu dambayntii waxaa munaasibada soo gunaanaday Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro), waxaanu ugu horen mahadanaq u soo jeediyay xoghayihii hore ee warfaafinta xisbiga Md.Maxamed Xasan Dirir, mudadii uu soo shaqeeyay.isagoo soo dhaweeyay Gudoomiye Cirro Xoghayaha cusub iyo ku-xigeenkiisa oo ilaahay uga baryay inuu hawsha loo igmada u fududeeyo.