Guddoomiye Cirro Oo Xukuumadda Ku Tilmaamay Mid Dulqaad Yar Oo Ay Ficileedu Dalka Halis Galin Karaan, Dhaawacayana Sumcadii Somaliland

Guddoomiye Cirro Oo Xukuumadda Ku Tilmaamay Mid Dulqaad Yar Oo Ay Ficileedu Dalka Halis Galin Karaan, Dhaawacayana Sumcadii Somaliland

Ciro1-150x150

Hargeysa(Salaanmedia.com):-Guddoomiyaha aqalka golaha wakiilada Somaliland sida oo kalena ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),ayaa sheegay in dulqaad yaraanta xukuumada Siilaanyo iyo xisbigeeduba uu dhaawac iyo barmadaw ku yahay dawlad-nimada qaranka Somaliland.waxaa kale oo uu mar kale si adag uga hadlay xiisada ka taagan gobalka Awdal, isaga oo carabka ku dhuftay in ay ka xisbi ahaan ay si buuxda u taageersan yihiin fursadii ay sheegeen in la siiyo madaxdhaqmeedka ka soo jeeda gobalkaasi si ay arrinta halkaasi ka taagnayd ay u dhameeyaan

Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro), ayaa hadalkan ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebooka, isagoo kaga hadlayay caqabado uu xisbigiisu kala kulmay xaflad

ay ku qabsanayeen Berbera oo lagu soo dhawaynayay taageerayaal cusub.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,oo ugu horeyn ka hadlaaya dulqaad yaraanta xukuumada hada jirta oo aanu ka soo xiganay bogiisa uu ku leeyahay barta ay bulshadu ku wada xidhiidho ee facebooka,ayaa waxaa uu yidhi:“Dulqaad-yaraanta Xukuumadda iyo Xisbigeedu wuxuu Umadda Somaliland ku yahay dhaawac, iyo bar madowna ku ah Sumcadeena dawladnimona . Waxaa ka warqabteen dhacdadii foosha xumayd ee Hotel Crown ka dhacday iyo tan maanta [Berbera], Xisbi munaasibad si nabad u qabsanaya xaflad in la carqaldeeyo waa arin foolxun, shacabkana ku ridday facaj iyo argagax,Caqabadkasta oo xukuumaddu isku deydo inay ku hakiso taageerada Xisbiga WADDANI ee sii kordhaysa maalinwalba, ma joojinayso taageerada aanu ka helayno shacabka ku hungoobay Kulmiye, laakiin arimahaasi waa qaar shacabka tusaya wajiga dhabta ah ee KULMIYE, Xisbiga Waddani-na kor-u-qaadaya”.

Md:Cabdiraxmaan Cirro oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu ka hadlay xiisada muddooyinkii danbe ka taagnayd gobalka Awdal,waxaana uu tilmaamay in gobalka Awdal iyo shacabkiisuba ay yihiin dad reer Somaliland,waxaana uu tilmaamay in ay ay si buuxda ay ka xisbi ahaan u taageersan yihiin codsigii ay soo jeediyeen madaxdhaqameedka reer Awdal ee ahaa in arrinta iyaga loo daayo lana sugo inta ay soo dhamaynayaan,waxaana uu tilmaamay in ay muhiim tahay in fursad lagu siiyo si ay xiisada halkaa ka taagan ay nabad ugu soo dhameeyaan.

“Gobalka Awdal waa gobal Somaliland ah, shacbigiisuna waa shacbi reer Somaliland ah taariikh weyn ayaa ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u dhiskii Somaliland,waxaad ka warqabtaan xaalad baa halkaa ka taagan, hase yeeshee odeyaasha gobalku waxaa ay yidhaahdeen xaaladaa annaga ayaa xalinayna, wakhti ha nala siiyo, fursad ha nala siiyo, xisbiga WADDANI, waxaa uu ku taageersan yahay in la siiyo fursad iyo wakhtiba si ay nabad u soo celiyaan”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiye Cirro waxaa uu sida oo kale uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka iyo sida oo kale diiwaan galinta codbiyeyaasha, isaga oo carabka ku adkeeyey in mawqifka xisbiga WADDANI ee arrimaha doorashooyinku uu yahay in ay wakhtigoodii ay ku dhacaan.

“Doorashooyinka 2015-ka marar badana dhagaha shacabka waanu ku ridnay hadana waanu ku celinaynaa waxa weeye mawqifka xisbiga WADDANI in doorashooyinku ay wakhtigoodii ay inoo dhacaan, oo ay si nabad galyo ah ay inoogu dhacaan,waxaad ka warqabtaan in komishankii doorashooyinka muddo dheer oo la caansiiriyey kadib aynu ansixinay, waxaa kale oo la ansixiyey waxii kale ee qabyo xeerar ahaa, waxaa dhiman se wali waa diiwaan galin iyo doorasho, diiwaan galintiina dhawaan ayey bilaabmaysaa oo 60-cisho gudahood ama 90-cisho gudahood ayaa ay ku bilaabmaysaa, waxaan doonaynaa in muwaadin kastaa uu hal mar isdiiwaan galiyo oo aanu mar labaad is-diiwaangalin si aynu u helno tira koob sax, oo cadaalad ah” ”Ayuu yidhi guddoomiyaha xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).