Guddoomiye Ku-xigeenkii Iyo Xoghayihii Ururka SOLJA Oo Dhaawacooga La Soo Gaadhsiiyay Cusbitaalka Magaalada Hargeysa

Guddoomiye Ku-xigeenkii Iyo Xoghayihii Ururka SOLJA Oo Dhaawacooga La Soo Gaadhsiiyay Cusbitaalka Magaalada Hargeysa

SYJA DHAWAC

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Gudoomiye ku-xigeenka ururka Suxufiyiinta Somaliland (Solja) ahna Mulkiilaha Wargeyska Yool Maxamed Cabdi Curad iyo xoghayaha guud ee ururka suxufiyiinta Somaliland Ee Solja, Maxamed Rashiid ahna Mulkiilaha Wargeyska Saxafi iyo Saxafi kale oo la socday ayaa maanta shil baabuur ku dhaawacmay.Shilkan oo ka dhacay jidka u dhexeeya Hargeysa iyo Berbera.
Saddexdan Suxufi ayaa maanta ay ka ambabaxay Magaalada Hargeysa ,balse qadarka alle waxaa uu shil ku helay wadada isku xidha Berbera iyo Hargeysa.