HARGEYSA: Weedhii Madaxweynaha Iyo Sharaxaaddii Wasiirka Arrimaha Dibadda

“Arrimaha ugu waawayn ee aanu ka wada hadalay waxa ka mid ahaa, sidii looga wada hadli lahaa, masiirka shacabka Somaliland iyo dantooda”

ZZzzzzz

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii uu hogaaminayay ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay ka dib safar maalmo qaatay oo ay Jabuuti ku tageen, halkaasoo ay wadahadalo heshiis kooban lagu gaadhay kula soo galeen madaxweynaha soomaaliya.
Madaxweynuhu markii uu ka soo degay Madaarkaa Hargeysa hadal kooban oo uu halkaa ka jeediyay, wuxuu ku yidhi, “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay aniga iyo weftigaygu inaanu dalka ku soo nabad noqono. Waxaanu ku maqnayn Jabuuti oo aanu ka helay marti qaad aanu kula kulmaynay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekd Maxamuud iyo weftigiisa, anagoo ka wada hadlaynay danaha labada dal iyo wixii inaga dhexeeyay iyo wixii aynu isku khilaafsanayn, inagoo og inuu ahaa dal aynu walaalo ahayn inuu ahaa, oo aynu ku kala baxnay, oo aynu madax banaanideenii la soo noqonay, taasoo mar walba hadana ay dunidu ay wada hadal inoo furto, taasoo markaa anaguna qaddiyada Somaliland aanu ka dhaadhicinaynay mawqifkayagana u cadaynaynay”.

Dhinaca kale Wasiirka khaarajiga ayaa jawaab ka bixiyay dhaliilo mucaaaridku u jeediyeen xukuumadda oo la xidhiidhay wadahadalada Somaliland iyo Somaliya oo aan laga tala gelin waxa lala tegayo, isla markaana ay dalbadeen in faahfaahin laga bixiyo wixii lagala soo noqday. Wasiirka oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi, “Sidaad ula socoto Arimaha wada hadalku waa arimo Khuseeya Dawladda Somaliland.Dawladda Somaliland baana Awood loo siiyay oo labada Goleba u ogolaadeen inay Shacabka Metasho, mana ah arin Muxaafad iyo Mucaarad ah, arinkani waa arin Umadda Khuseeya, waa arin loo xilsaaray inuu Madaxweynuhu Hogaamiyo, shacabkiisa, wasiiraddiisa iyo dawladda Somaliland, wax alle waxaanu ka wada hadlaynana waanu ka wada tashanaa asxaabta iyo shacbiga, labada Xisbina way la socdaan, labada Gole Baarlamaana way noo ogolaadeen, waa xil anaga na saaran, cid loo daba fadhiisanayaana ma jirto, dawladdana shacabku way nagu barbar taagan yihiin”.
Qodobkaa ka sokow Wasiirka arrimaha dibaddu shalay mar uu faahfaahinayay wada hadalkii jabuuti iyo wixii ugu muhiimsanaa ee laga wada hadlay, wuxuu yidhi; “arrimaha ugu waawayn ee aanu ka wada hadalay waxaa ka mid ahaa, sidii looga wada hadli lahaa, looguna dhiiran lahaa masiirka shacabka Somaliland iyo dantooda, waa la wada socotaan inaynu madax banaanideenii la soo noqonay, ictiraafkeenii raadinayno, inaynu gooni isu taageena rabno, taas oo mid inaga go,an ah, in sidii taa looga wada hadli lahaa, looguna dhiiran lahaa dhakhsana loogu dhamayn lahaa, ayaa muhimada ugu wayn ee aanu meesha u tagnay ahayd. Labada madaxweyne waxay isla garteen in arrimahaa lagu dhiirado, aan laga joogsan loo callool adaygo, waayo, masiirka umadda reer Somaliland waa mid ay goosteen dadka shacabka Somaliland, taasi ayaa ugu muhiimsanayd waxyaabaha aanu isla garanay”. Wasiirku wuxuu intaa ku daray, in lagu heshiiyay oo kale in aan la siyaasadayn mashaaricda horumarinta, isla markaana la fuliyo wixii hore loogu heshiiyay oo uu ugu horeeyo heshiiskii hawadda iyo qodobo kale.
Wasiirku waxa uu ku dooday inay Arinta wada hadalku tahay arin qaran oo Qaddiyada Somaliland ku qotonta islamarkaana aanay u baahnayn mucaaradad, waxaanu Mucaaradka u soo jeediyay inay arintaasi iska jiraan.