Hawada Soomaaliya, Ha Lagu Wareejiyo Somaliland Wax La Qaadan Karo Maaha”Dr Cabdiweli Gaas

Hawada Soomaaliya, Ha Lagu Wareejiyo Somaliland Wax La Qaadan Karo Maaha”Dr Cabdiweli Gaas

gaas1-150x150

Garoowe, (Salaanmedia.com)-Madaxwaynaha maamul goboleedka Puntland Dr Cabdiweli Gaas, ayaa sheegay inuu ahaa shaqsigii bilaabay heshiiska hawada, markii uu ahaa wasiirka Qorshaynta, islamarkaana wuxuu sheegay in aanay dawlada Somalia ka yeelan in maamulka hawada lagu wareejiyo xukuumada Somaliland.
Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay hadii hawada Somaliland lagu wareejinayo in lagu wareejiyo Maamul-goboleedka Putland.
Qodobada sida gaarka ah oo uu taabtay ayaa ka mid ah qodob hadda ka hor dawladda federaalku kula heshiisay Somaliland, kaasoo dhigaayay in Hawada Somaaliya maamulkeeda lagu wareejiyo Somaliland, Heshiiskii u danbeeyayna lagu qeexay in la fuliyo heshiiskaa.
Madaxweynaha oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi“Haddii aan Puntland nahay qodobka hawada ee heshiiska ku jiro waxbaan ka qabnaa oo far baa nooga taagan, heshiiska hawada aniga (Madaxweyne Gaas) ayaa bilaabay sanadkii 2010-kii, markii aan ahaa wasiirka Qorshaynta, waxa uu ahaa shir saddex geesood ah oo lagu sameeyay guddi farsamo, hadda in la yidhaahdo hawada Soomaaliya maamulkeeda halagu wareejiyo Somaliland waa fikir khaldan, waxa kaliya ee lagu heshiin karo waa Soomaaliya hal meel ayay lahaan jirtay, oo laga maamulo hawadeeda waana Caasimadda Muqdisho, haddii laga raraayo Garowe hala keeno” sidaa wuxuu ku sheegay waraysi uu siiyay waraysi uu siiyay Raadiyaha Codka Maraykanka ee VOA.