KULAN SHARFEED LAGU MAAMUUSAAYAY WAX QABADKA GUDOMIYAHA XISBIGA WADDANI UK

imageimageimageimageimageimageimageimageimageimageKULAN SHARFEED LAGU MAAMUUSAAYAY WAX QABADKA GUDOMIYAHA XISBIGA WADDANI UK
Waxaa habeenkii xalay lagu qabtay hotel ku yaala galbeedka london kulan aad u qurux badan oo uu qabsaday xisbiga waddani waxaana kasoo qayb galay gudomiye kuxigeenka 1aad ee xisbiga waddani mudane axmed muumin seed. Agaasimaha xisbiga marwo yasmiin cali raygal gudomiyaha xisbiga waddani ee dalka UK mujahid xuseen adan cade gudomiyaha garabka haweenka marwo saynab ismaciil maxamed gudomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga uk saadiq madadaal gudomiyaha magalada Milton Keynes ee xisbiga waddani marwo muuna xandule gudomiyaha waqooyiga london maxamuud siciid maxamed iyo madax iyo tageerayaal badan oo ka tirsan hawl wadeenada xisbiga waddani qaybta UK kulankan oo u jeedadiisu ahayd mahad celin iyo sharfid loo sameeyay gudomiyaha xisbiga waddani uk mujahid xuseen adan cade oo mudada kooban ee uu xilka hayay qabtay wax lagu faano hormar baaxad lehna gaadhsiiyay xisbiga waddani uk dhamaan dadkii goobtaas ka hadlay ayaa isku raacay inuu gudomiye xuseen yahay shaqsi ilahay hibo u siiyay hogaaminta iyo hawl karnimada waxay halkaas ka cadeeyeen inuu xisbiga waddani ku talaabsaday mudadii uu xilka hayay of gudomiye xuseen guulo aad u waweyn waxay ilahay uga baryeen inuu u sii laban laabo guulaha iyo horumarka maalin walba xuseen gaadhsiinayo xisbiga waddani uk ugu dambayntiina waxaa halkaas lagu gudoonsiiyay gudomiye xuseen adan shahaado sharaf uu mutaystay waxaana ku sharafay madaxda iyo tageerayasha xisbiga waddani ee dalka UK waxaana gudonsiiyay gudomiye kuxigeenka 1aad ee xisbiga waddani mudane axmed muunin seed
Ugu dambayntiina kulan sharafeedkii wuxuu ku soo gaba gaboobay farxad iyo rayn rayn

Wa bilahi tawfiiq
Xisbiga waddani uk