Laba Sarkaal Oo Ingiriis Ah Oo Ka Shaqeeya Mashruuca Bangiga Aduunka Ee SBF Somaliland Oo Xukuumaddu Mamnuucday Safar Ay UK Ku Tegi Lahaayeen

Waxa laga celiyay Madaarka Hargeysa 20kii bishan
Waxa laga qaaday baasabooraddii, haddana loo celiyay
Xaalku haatan halkuu marayaa?

calanka-somaliland-150x150

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Xukuumadda Somaliland ayaa xayirtay laba sarkaal oo Ingiriis ah oo ka shaqeeya mashruuc Baanka aduunku maalgeliyo oo lagu magacaabo Somaliland bussines Fund, kaasoo ah barnaamij maal geliya ganacsiga ganacsatada kala duwan ee dalka, qaar badan oo ku guulaystay na ay ka heleen kaalmo.
Siday wargeyska Ogaal u sheegeen illo lagu kalsoon yahay, labada sarkaal waxay 20.12.14, doonayeen inay ka dhoofaan madaarka Hargeysa, si ay munaasibadda ciidda kirismaska ugu soo qaataan dhulkoodii, hase yeeshee, markii ay madaarka tageen ayay siday Illahaasi sheegeen laga qaaday baasabooraddii, loona sheegay in aan la ogolayn inay dalka ka baxaan, sidaa darteedna ay dib ugu soo noqdeen magaaladda Hargeysa gudaheeda. Xogahaasi waxay intaa ku dareen, in baasabooradoodii markii dambe loo soo celiyay oo la siiyay, balse loo diiday safarkii ay ku aadi lahaayeen yurub.
Wararku waxay intaa ku dareen, in loola dhaqmay si aan ku qumanayn masuuliyadooda, balse ma jiraan warar madax banaan oo kala cadeeya sidii ay wax u dhaceen xilligii madaarka, hase yeeshee waxay illahaasi tibaaxeen, in lagu wargeliyay inay jirto dacwad loo haysto oo lagu xidhiidhiyay, inuu ka dambeeyo mid ka mid ah dad mashaariic qortay sanduuqa ganacsiga Somaliland ee ay ka shaqeeyaan. Hase ahaatee, xoguhu may iftiimin qofkaa.
Dhinaca kale, wararku intaa ku ladheen in haatan arrinta labadaa sarkaal ay gaadhay labada dawladood,isla markaana uu furdaaminteeda ay soo gashay wasaaradda arrimaha dibada Somaliland.
Dhinaca kale, waxa soo baxaya fadeexaddo la xidhiidha sida uu u shaqeeyo barnaamijka SBF iyo hay,ad lagu magacaabo Landell Mills oo maamusha mashruucaa ganacsiga Somaliland, kaasoo ay maalgeliyaan bangiga aduunka iyo hay,ado caalami ah oo kala qayb qaataa. Siday muujinayaan dekumentiyo uu wargeyska Ogaal helay, oo uu gadaal ka soo baahin doonaa, mashruucan SBF iyo Landell Mills ba waxa jira fadeexado is barkan oo ku xeeran, kuwaasoo la xidhiidha, sida mashaariicda loo bixiyo, siday u diidaan, sharciyadda la xisaabtanka oon jirin, lacagta oo ku dhacda akoono shakhsi ah, hay,adaha dawlada ee shaqadoodu xidhiidhka la leedahay oo aanay diiwaan gelin ka haysan Landell Mills iyo qaar kale oo badan. Guud ahaan arrimahaas oo faahfaahsan waxaanu soo gudbin doonaa dhawaan.