Madaxwayne Silaanyo Oo Meel Mariyay Kaabis Iyo Wax Ka Bedelna Ku Sameeyay Xeerka Codbixiyeyaasha Doorashooyinka.

Madaxwayne Silaanyo Oo Meel Mariyay Kaabis Iyo Wax Ka Bedelna Ku Sameeyay Xeerka Codbixiyeyaasha Doorashooyinka.

Siilaanyo

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Madaxwaynaha Jamhuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamud Silaanyo waxa uu maanta xeer madaxwayne ku meel maraiyay dhaqan galka kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyay xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.
sidaasi ayaa lagu sheegay war murtiyeed ka soo baxay aqalka madaxtooyadda Jamhuriyadda Somaliland, waxana uu u dhignaa.
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2867/122014 ku meelmariyey, Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-27642/2014 ee
ku taariikhaysan 06/12/2014 ee ay ku ansixiyeen Wax-ka-bedelka
iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha
Xeer Lr. 37/2007
Wuxuu soo saaray
Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.