Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Oo Ku Tilmaamay Heshiiskii Shirka Jabuuti, Is Faham Midnimo Soomaaliyeed Horseedi Kara

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Oo Ku Tilmaamay Heshiiskii Shirka Jabuuti, Is Faham Midnimo Soomaaliyeed Horseedi Kara

put

Garoow, (Salaanmedia.com)-Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland, Cabdi weli Gaas ayaa soo dhaweeyay qodobadii ka soo baxay shirkii ay dalka Jibouti, ku yeesheen Madaxweynayaasha Somaliland iyo Soomaaliya ee uu dhexdhexaadinayay Madaxweynaha Jamhuuriyada Jibouti, sidaana waxa uu ku sheegay hadal uu jeediyay mar uu Axadii ka soo laabtay safar uu ku joogay caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, waxa uu xusay in maamul ahaan ay ahayd in laga qayb geliyo shirkaa, balse aanay dhicin, isla markaana haatan ay si weyn u soo dhawaynayaan natiijadda qodobada laga soo saaray gabagabadii shirka. wuxuu carabaabay suurta-galnimada in shirarka noocan oo kale ahi ay isu soo dhawaynayaan afkaarihii kala duwanaa ee ay labada dhinac kala qabeen. wuxuu intaa ku daray, in kulamadani ay horseedi karaan in labada dhinac ay dib u midoobaan, isla markaana wuxuu ku tilmaamay natiijada shirkii Jabuuti is faham midnimo horseedi kara. Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland, ayaa hambalyo u diray Raysal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, isaga oo tibaaxay in magacaabistiisani ay tahay jaanis labaad oo uu helay Raysal Wasaaruhu, waxaanu Madaxweynaha Puntland ballan-qaaday in ay la shaqayn doonaan.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku-xigeenka maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa isagu ku tilmaamay shirkii Jabuuti shir beelleed, waxaanuu yidhi;“Qodobadii dawladda faderaalka ah ee Soomaaliya aanu ka wada hadalnay qodob ka mid ahaa maaha mid la qarin karayo. Puntland mawqifkeedu wuxuu ahaa, haddii aan shirkaas la balaadhin oo aanu noqon mid Soomaaliyi ku wada hadasho, wixii ka soo baxaa inaanu noqon doonin mid hirgala oo Soomaali oo dhan u yaala. Waxaan gaadhay xitaa heer aan idhaahdo wuxuu u ekaa shir beelleed. Dawladda faderaalka Soomaaliya hadday tahay ama Somalilandba tahay waxaan odhan lahaa shirka ha la balaadhiyo”