Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Sheegay in 2015 Guul La Gaadhayo Midnimada Somalia

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Sheegay in 2015 Guul La Gaadhayo Midnimada Somalia

xasan-shiikh-150x150

Muqdisho, (Salaanmedia.com) -Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay heshiiskii uu kula galay jabuuti Madaxweynaha Somaliland, isla markaana wuxuu sheegay in sanadka 2015 uu rajaynayo in horumar badan laga gaadhi doono isu keenka iyo midnimadda soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh hadalkaa uu ku iftiimiyay natiijadii wadahadalka wuxuu u yidhi; “Waxaanu booqasho gaaban ku tagnay dalka Jabuuti oo aanu ka soo noqonay . Waxaanu halkaas kula soo kulanay wefti ka socday Somaliland oo uu hogaaminayaymadaxweyne Axmed Siilaanyo. Amuurihii wada hadaladii Somaliland iyo Somalia ayaanu halkii ka sii ambaqaadnay. Bayaan ayaanu soo saarnay dhawr qodob ka kooban, si hoosena waxaanu uga wada hadalnay amuurahaas. Runtii horumar aad u wannaagsan oo la taaban karo ayaa dhacay,oo is fahankii labada dhinac ee mudada dheer soo socday wada hadaladoodii, in ay meel soo gaadheen hada, siina socon doonaan haddii alle yidhaahdo. Waxyaabaha ugu muhiimsan in la sii xoojiyo wada hadalada, laguna dhiirado amuuraha masiiriga ah ee u dhaxeeya labada dhinac ee ka hadlaya masiirka Soomaaliya guud ahaanteed iyo sidii ay dadka Soomaaliyeed ee dalka degani isula jaan qaadi lahaayeen, wixii tabasho ah iyo wixii dhibaatooyinka jira ahna looga wada hadli lahaa, si labada dhinacba ay raali ka yihiina loo gaadhi lahaa oo maslaxada ummaddu ku jirto.

Saacado dheer ayaanu aad iyo aad u wada sheekaysanay, u wada hadalay,wixii hore loogu heshiiyay in la sii xoojiyo,waxyaabaha dhibana in si degdeg ah loo dardar galiyo. sannadka cusub ee2015-ka, waxaan rajaynaynaa inuu noqdo sannad horumar guud ahaan dalka soomaaliya uu gaadho, gaar ahaana arrinta midnimadda in horumar badan laga samayn doono haddii alle yidhaahdo.