Saddexdan Fooda Isu Sudhay Reerku Waxa Keliya Ee Ay Ku Midaysanyiin In Madaxwaynuhu Murashax Yahay Doorashadan, Iyaguna Ku Taageersanyiin”

Saddexdan Fooda Isu Sudhay Reerku Waxa Keliya Ee Ay Ku Midaysanyiin In Madaxwaynuhu Murashax Yahay Doorashadan, Iyaguna Ku Taageersanyiin”

guray11112-150x150

.
Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Gudoomiyaha ku xigeenka Saddexaad ee Xisbiga UCID Mujaahid Cali Guray, ayaa markii ugu horaysay ka hadlay saddexda murashax ee xisbiga kulmiye ku loollamaya, kuwaasoo guddiga beesha qayb ka mid ahi sheegtay inay kala reebeen, xubno kalena dedefeeyeen, isla markaana salaadiintu ansixiyeen xulashada Muuse Biixi, inkastoo xubno salaadiinta ka mid ahi diideen lana mawqif noqdeen xubnaha guddiga ee diiday.
Cali Guray qoraal kooban oo uu ku baahiyay bartiisa Face book, wuxuu ku sheegay in sadexdoodu ku midaysan yihiin oo keliya, inuu Murashax yahay Madaxweyne Siilaanyo oo ay taageersan yihiin. Qoraalkaa Muj. Cali Gurayna wuxuu u dhignaa sidan;
“Laba doorasho oo shan sanadood u dhaxayso, tan hore garanay, ee ta ka dambaysa ayaanu isku haysanaa musharaxnimadeedu xisbi ay ka dhacday dunida oo dhan lama sheegin. Odaygu ilaa hadda musharax baan ahay ayuu la soo taagan yahay meel uu kaga tanaasulayna ma hayno. Waxa iyaduna yaab ah, saddexda ku tartamaya ee fooda isu sudhay reerkii waxa keliya ay ku midaysan yihiin in doorshadan Madaxwaynuhu yahay musharaxa KULMIYE iyaguna ay taageersan yihiin. Markaa maxaa si ah hadaba?.Wax kale ma jiraan siyaasiyiinta iyo hogaamiye dhaqameedka reerka ee KULMIYE iyo kuwo iyagu sida moobilka KU SHUBASHO ah ayuun bay heerkooda inoo sheegaysaa sheekadani ee wax kale ma jiraan.Reerka Aqoonyahankiisa iyo dhalintiisuba way u bed qabaan, siyaasi tiisa u heelan iyo koofiyad bacle iyo weji ku macaash reer ay wareerin karaana SACAD MUUSE wuu ka wayn yahay, runtana waa la isugu iman beentuna way hadhi”