Saxaafada Madax Banaan Waxaanu U Sheegaynaa Shirka Bari Dhacaya Inaanay Ka Qayb Galin.Guddoomiye Ku Xigeenka Solja

Saxaafada Madax Banaan Waxaanu U Sheegaynaa Shirka Bari Dhacaya Inaanay Ka Qayb Galin.Guddoomiye Ku Xigeenka Solja

SAM

(Salaanmedia.com) Wednesday, December 24, 2014 13:10:28Waxaanu bulshda u sheegaynaa in ururkii Madax Banaanaa ee solja Xukuumadu Burburisay,Xoogna Lagula Wareegay, Guddoomiye ku xigeenka Solja, Xog-hayaha Ururka iyo Xubno Hore iskaga Casilay Qaban –qaabada Shirwaynaha Ururka Ayaa Ka digay Shir Bari Lagu qabanayo Magaalada hargaysa. Waxa ay Saxaafada Haay’addaha u dooda Xuquuqda Iyo Caalamka waxa ay U Bandhigeen In ururkii Saxaafada Xukuumadu Albaada u laabtay,Wasiiro Dhawr Ahina ku edeeyay

SAM_6299

SAM_6294

Xog-hayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee solja Maxamed Rashiid Muxumed Faarax Ayaa Sheegay in Shirka Wixii kasoo Baxaa uu yahay Xaraan, Saxaafadana waxa uu ugu Baaqay inaanay Ka qayb Galin Shirka.
“Waxaanu wariyayaasha iyo Bulshadaba u jeedinaynaa in shirka Babri La qabanayo uu yahay Xaraan,Halkan waxaanu ku haynaa Waraaqdii Aanu dib ugu
dhignay Shirka Lakiin Gudidu Wax danbe oo Hore loogu soo dhigay oo Gudidu Ka shirtay Majirto,waxaana Arinkan Gacanta Kula Jira Wasiirka Warfaafinta Ururka Arimaha Somaliya ka shaqeeya Ee Layidhaa Sonsof,Xoriyatul Qawlkuna waxa ay kiu ku jirtay Arimihii Somaliland iyo Somaliya ka wada hadleen ee Layidhi Hala ilaaliyo Xuquuqda Saxaafada somaliland. Xog-hayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee solja oo hadalkiisa Siita ayaa waxa uu yidhi.”Waxaanu leenahay Shirkaasi waa Xaraan Wixi kasoo Baxaana waxba kama Ogin Sidii Ururada iyo Warbaahinta Kaleba loo xidhayna iyo dadka u dooda Xoriyatul Qawlka ayaa loo xidhayaa Furaha Lagu wareejinayaa RRU,Markaa waxaanu leenahay Gudidii Qaban qaabada Ururku Waxba Kama oga Shirkaas. Maxamed Cabdi Curada Guddoomiye ku xigeenkii Ururka Suxufiyiinta somaliland ee Solja Oo isna Shirkaas Jaraa’id ka hadlay Ayaa bayaamiyay in Ay Gacanta Ururka Kula Jiraan wasiirka Madaxtooyada iyo Wasiirka Maaliyada Kuwaas oo Dabada ka riixaya Sida uu sheegay in Gacanta uu u Galo Ururku Xukuumada. “Waxaanu Saxaafadii Nadooratay U sheegaynaa,Waxaanu bulshda u sheegaynaa in ururkii Madax Banaanaa ee solja Xukuumadu Burburisay,Xoogna Lagula Wareegay,Xalay oo u danbaysayna Wasaarada Warfaafinta Dhexdeeda Lagu Qaybsanayay Cidii Laga dhigilahaa Guddoomiyaha Ku Xigeenkiisa iyo Xog-Hayaha,Xukuumada Lafteedu Kuma Wada eedaysna,Waxaana ku eedaysan Wasiirka Warfaafinta Iyo Wasiirka Maaliyada Suurta Galinta Inqilaab. Guddoomiye ku xigeenkii Ururka Suxufiyiinta somaliland ee Solja waxa uu sheegay in Xoriyatul Qawlkii Saxaafada Lagu soo duulay,Ururkii Ay mih-nadlayaasha Saxaafada Aas-aasteena La Baabiiyay Xoogna Xukuumada Kula Wareegtay. “Shirka Bari Dhacaya waxaanu Suxufiyiinta Somaliland ee Madax Banaanida ku shaqeeya u sheegaynaa Meel kasta oo ay joogaan in shirkaas Dhacaya Bari Aanu ahayn Shirkii Solja Ee yahay Shir ay wada wadaan Ururka Sonsof iyo Wasaarada Warfaafinta somaliland,waxa kasoo baxaana maaha wax xalaal ah ee waa wax Xaraan Ah oo xukuumadu Siisamaysatay,Hadaanu nahay Hogaankii Ururka ugu danbeeyey waxaanu leenahay ururkii solja waa Lagu soo duulay Waana la baabiiyay Shirka Barina Maah Shir Ay Saxaafada Madax Banaani Leedahay. Aadan Cabdi Ciidle oo ka Mid Ahaa Gudidii Qaban Qaabada ee iska Casishay Shirka Ayaa sheegay in Shirkan Bari Ay Asteyeen Wasaarada Warfaafintu uu yahay Mid Afduub Ah oo Saxaafada Madaxa Banaan Lagu Majaro Habaabinayo Xukuumadu Gacmaha Kula jirto,Waxaana uu Haay’addaha Xuquuqda u dooda iyo Asxaabta Mucaaradkaba usoo jeediyay In Maanta Albaabada Loo Laabay Ururkii u doodi Jiray Arimaha Saxaafada Madax Banaan ee somaliland. Najax Aadan Cunaaye oo Ahaa Guddoomiye ku xigeenkii Gudida Qaban-qaabada Shirwaynihii Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja Ayaa Iftiimiyay in Maanta Halka uu taagan yahay Ururku yahay Halkii ugu ayaanka Darnayd,Waxaana uu sheegay shirka Ay bari qabsanayaan aanu noqon Doonin Mid Saxaafada Madaxa Banaan u cuntama. Wasiirka Warfaafinta somaliland Waxa uu dib u xasuusiyay Hadaladii uu ka odhan jiray Markii Uu Ahaa Tafatiraha Saxansaxo Saxaafada Madax Banaan Marka La xidho “Wasiir Cukuse Waxa uu odhan Jiray Markii Uu Ahaa Tafatiraha Saxansaxo Saxaafada waa beed Hadii sidaas loo qabtana Way Burburaysaa Lakiin Maanta waxaanu leenahay isagu wuu ku joogsaday Saxaafadii.Sidaas ayaa uu yidhi Najax Aadan Cunaaye.