Taliyaha Booliska G.Sanaag Iyo Ciidamo Aad U Tira Badan Oo Uu Wato Oo Saaka Ka Horjoogsaday Xisbiga WADDANI Xafiis Uu Ka Furan Lahaa Degmada Huluul+Shacbiga Ku Dhaqan Degmadaasi Oo Ka Soo Horjeestay Ciidamada

Taliyaha Booliska G.Sanaag Iyo Ciidamo Aad U Tira Badan Oo Uu Wato Oo Saaka Ka Horjoogsaday Xisbiga WADDANI Xafiis Uu Ka Furan Lahaa Degmada Huluul+Shacbiga Ku Dhaqan Degmadaasi Oo Ka Soo Horjeestay Ciidamada

hinda%20wadani

Ceerigabo (Salaanmedia.com):-Xukuumada Siilaanyo ayaa saaka horjoogsatay xafiis ay masuuliyiin sar sare oo ka socda xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ay ka furi lahaayeen Degmada Huluul oo ka tirsan gobalka Sanaag.

Wararka naga soo gaadhaya degmada Huluul ayaa sheegaya in wafti balaadhan oo ay hogaaminayso xoghayaha xidhiidhka arrimaha bulshada ee xisbiga WADDANI Marwo:Hinda Jaamac Xirsi Gaani iyo sida oo kale maayarkii hore ee degmada Huluul Md:Cabdi Xasan (Cabdi Weyne) oo u jeedka safarkoodu ahayd sidii ay xafiis xisbiga WADDANI uu leeyahay uga furilahaa degmada Huluul,

ayaa saaka markii ay goobta xafiiska soo gaadheen la kulmay ciidamo aad u tira badan oo ay hor kacayaan taliyaha ciidanka booliska,taliyaha

ciidanka booliska degmada Ceel-Afweyn iyo xoghayaha dawlada hoose ee degmada Ceel-Afweyn ku waasi oo ka hor joogsaday in ay xafiiskaasi ay furan,amarna ku siiyey in aan xafiis WADDANI leeyahay laga furi karin degmada Huluul.

Waxaana ay wararku intaasi ku darayaan in hada ay is hortaagan yihiin saraakiisha ciidamada xukuumada Siilaanyo ka socda sida oo kalena wata baabuurta ku gaashaaman hubabka noocyadiisa kala duwan iyo masuuliyiinta xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI,iyada oo ay wararkuna sii tibaaxayaan in laysku mari la’yahay furitaanka xafiiska.

Wararku waxaa ay intaasi ku darayaan in goobtii xafiiska laga furaayey isagu soo ururey dadweyne aad u tira badan oo ka argagaxay ciidamada aadka u tirada badan ee la dulkeenay masuuliyiinta WADDANI ee xafiiska furaayey.waxaana ay dad weynahaasi ka soo horjeesteen ciidamada aadka u badan ee la dulkeenay degmada Huluul ee gobalka Sanaag.

Arrintan ayaa ah mid dhaawac weyn ku ah hanaanka geedi socodka dimuqraadiyada qaranka Jamhuuriyada Somaliland iyada oo ay xukuumada Siilaanyo ay muddooyinkii danbe ay qorshaynaysay falal ka dhan ah xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo ay taageerayaashiisa isbedel doonka ahi ay si xooga u soo badanayaan,kuwaasi oo ka soo diga roganaaya xisbiga hada sii liicaya ee KULMIYE iyo xukuumadiisa oo ay ku hungoobeen.sida oo kalena kala kulmey waxqabad la’aan iyo cadaalad darro aad u baahsan.