Waan Ku Celinayaa Wax Aanu Dilno, Qof Siyaasad Ama Jariirad Wax Ku Qoray Oo Aan Xidhay Ma Jiro…

Waan Ku Celinayaa Wax Aanu Dilno, Qof Siyaasad Ama Jariirad Wax Ku Qoray Oo Aan Xidhay Ma Jiro…

Geelle-MJJ

Jabuuti, (Salaanmedia.com)- Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa ka hadlay xaalada ammaan ee geeska afrika, dalkiisa iyo mashaariic badan oo xukuumadda uu hoggaamiyo doonayso inay ka fuliso dalkaas.“Hawlo badan ayaanu ku jirnaa, waxaana wadnaa mashaariic badan oo wax weyn dalka wax ka taraysa. Afrika dhamaan waxa loo baahan yahay, haddii aanay jirin warshado inaanay Bulshadu ka faa,iidaysan Karin khayraadka qaydhin ee dalkooda,waxaana loo baahan yahay in xooga la saaro warshadaha. Warshadaha sidii xooga loo saarana waxa loo baahan yahay inuu dalku yeesho maadadii khaydhnayd ama wixii la badelayay in dalka la keeno, markaa waxaanu hayno waxay noqonaysaa wixii aanu ku dagaal galaynay. Waxaana loo baahan yahay Warshado badan oo Kimikal laga sameeyo. Waxaanu wadnaa Beeblaynis ka imanaaya dalka Itoobiya oo halkan ayaa laga dirayaa kaasta dabeeciga ah (Natural Gass). Ilaa Lawyo-cado ilaa iyo Jabuuti waa meel ku fiican Warshadaha, dekedaha wax laga dhoofiyo ama ka soo degaan, taasina waxay u baahan tahay in kor loo qaado dekedaha iyo madaarada dalka,”sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Jabuuti oo u waramayay Telifeeshankiisa.
Madaxweynaha Jabuuti wuxuu intaa sii raaciyey oo uu yidhi,“Waddan kasta mucaarid lagama waayo, waana wax iska jira, laakiin damaanada ugu weyni waxa weeye nin muwaadin ah oo aan dambi galin inaan la xidhikarin, qofna looyar la’aan lama gayn karo maxkamad oo waa xaquuqda aas-aaska qofka. Dalku wuxuu u baahan yahay nabadgelyo iyo degenaasho. Qofka doonaaya inuu mudaharaado waa inaanay wax yeelin xaquuqda dadka kale ee la nool oo haddii uu carruutiisii gayn gariwayo iskuulka suuqana tegiwayaan, lana leeyay dad ayaa halkan xidhay. Waxaanay cabsi galinaysaa shaqaalihii, baayax mushtarka iyo ajanaabiga, taasina waxay keenaysaa dhib. Wax aanu dilno iyo wax aanu xidhno midna la helimay, laakiin waddan kasta oo adduunka ka mid ah mudaharaad wuu ka dhacaa. Waan ku celinayaa Qof siyaasad ama cay amaJariirad wax ku qoray oo aan xidhay ma jirto, ha laykeeno kaas aniga, aan ahayn qof danbi galay oo maxkamad xukuntay mooyaane.”

Sidoo kale, Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay argagixisadii dhawaan qarxisay magaalada Jabuuti waxaanuu yidhi,“Argagixisadu intay Itoobiya iyo Soomaaliya tegin, anaga ayay nagu soo horaysay 1978-kii, taasina waxay ahayd arrin falastiin ku xidhan oo dad badan ayaa lagu laayey. Argagixisadu waa cudur adduunka oo dhan haysta, waana kaas sameeyay in la iska baahaysto, waxaana lagula dagalamayaa diyaarado, laakiin anagu mahayno diyaarado.