Waqtigaa Imika Sannadka Yari Ka Hadhay, Kulmiye Wuxuu Qabanayaa Waa Saayid.”

Waqtigaa Imika Sannadka Yari Ka Hadhay, Kulmiye Wuxuu Qabanayaa Waa Saayid.”

Kaahi

Hargeysa, (Salaanmedia.com)-Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa caddeeyay inuu dhamaaday Barnaamijkii xisbiga KULMIYE u soo bandhigay shacabka reer Somaliland, oo inta sannadkan ka hadhay uu sameeyay waxqabad saa’id ah.Islamarkaana wuxuu asxaabta mucaaridka ah ugu baaqay inay soo bandhigaan waxqabadkooda ay bulshada ugu tala-galeen.
Guddoomiyuhu wuxuu sidaa ka sheegay munaasibad xadhigga lagag jarayay dhisme cusub oo loo sameeyay Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta, oo Madaxweyne Siilaanyo Xadhiga ka Jaray.
Guddoomiyaha oo ugu horayn sharraxay xafiisyadii lagu shaqayn jiray waqtigii hore iyo xiliga xafiisyada lagu shaqeeyo kala duwanaanshiyahooda “Waxaan doonayaa inaan halkan, ka caddeeyo xukuumada xisbiga kulmiye ee talada dalka haysa, intii ka horaysay waxay ku shaqaynaysay xafiisyadii laamaha kala duwan ee dawlada la odhan jiray dawladii dimmuqraadyad Somalia.Marka aynu doonayno in aynu Somaliland nahay marka aynu doonayno in aynu bulshada caalamku ina ictiraafto ee wasiiradeena loogu yimaado xafiis yadii yar yaraa ee dawladihii waxay u muuqanaysaa in aynu nahay dad aan ictiraaf rabin markaa xisbiga kulmiye wuxuu soo bandhigay siyaasad cusub.”
Sidoo kale, Gudoomiyuhu wuxuu sheegay inuu dhamaaday barnaamijkii kulmiye u soo bandhigay shacabka “Had iyo jeer asxaabta siyaasiga ah, looma dhisan inay meelahanuun ay isjiid-jiitaanee.Asxaabta siyaasiga ah waxaa loo samaystaa inay bulshada u soo bandhigaan, maxay doonayaan inay dalkan ku hogaamiyaan oo barnaamij siyaasadeed, dhaqaale, nabadgalyo ay bulshadan ku hoggaamiyaan, kulmiye taasuu soo bandhigay.Barnaamijka kulmiye wuu dhamaaday, anigoo hadda ah Gudoomiye ku-xigeenkiisa 1-aad , waqtiga imika sannadka yari ka hadhay, kulmiye wuxuu qabanayaa waa saa’id.”
Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in wasaarada boosuhu hoy u ahayd Badhasaabkii kaliya ee Somaliland maamuli jiray waqtigii isticmaarka “Badhasaabkii kaliya ee Somaliland maamuli jiray, ee isticmaarkii ingiriiska, ee aynu gobolka qudha ahayn wasaaradaa boosaha ayaa xafiis u ahayd.Markii dambe ee aynu Soomaaliya ku biirnayna xafiiskani wuxuu ahaa xafiiska boosaha iyo isgaadhsiinta ee gobolka waqooyi galbeed dawladii Soomaaliya.