Wararkii U Dambeeyay Wadahadal Toos Ah Oo Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Uga Bilaabmay Jabuuti

Wararkii U Dambeeyay Wadahadal Toos Ah Oo Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Uga Bilaabmay Jabuuti

WARARKII U DAN

Djibouti, (Salaanmedia.com)-Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shalay ku kulmay magaaladda Jabuuti, halkaas oo uu goob joog ka ahaa Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Labada wefti ee ay kala hogaaminayey labada Madaxweyne oo ay wehelinayeen Madaxweynaha Dalka Jabuuti ayaa kulan qado ah wada yeeshay, kadibna waxay bilaabeen kulamo gaar ah oo aanay saxaafaddu goob joog ka ahayn.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka baxay madasha shirka kadib markii uu labada Madaxweyne si gaar gaar ah ula balamay, markii danbena kulan fool ka Fool ah u furay.
Waxa baaqday war saxaafadeed wadajir ah oo ay doonayeen inay warbaahinta siiyaan ka hor intaanay kulamadooda bilaabin, hase yeeshee waxa la sheegay inuu dib ugu dhacay maanta.
Kulankaa ka hor Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa shalay dalkiisa ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wefti uu hogaaminayey oo ka tirsan Golayaasha Qaranka Somaliland, kuwaas oo ka qayb qaadan doona wadahadal ay Dalka Jabuuti ku yeelanayaan Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Somaliya.
Weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ay ka mid yihiin Labada Guddoomiye ku-xigeen ee Baarlamaanka Somaliland, Wasiiradda Beeraha, Xaanaanada Xoolaha, Arrimaha Dibada, Madaxtooyadda iyo Xildhibaano ka socda Golaha Wakiiladda, ayaa waxa Madaarka Jabuuti ku soo dhweeyey Wasiirka Arrimaha Dibada Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf iyo Raysal Wasaaraha Dalkaasi C/qaadir Kaamil Maxamed oo ay wehelinayeen wasiiro kale oo Reer Jabuuti ah.
Weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayey Madaxda kaga hor timi Madaarku u galbiyeen Hotelka Kambiski, halkaas oo uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku qaabilay Madaxweyne Siilaanyo iyo weftigiisa iyagoo kulan kooban oo hordhac ah ku wada yeeshay Hotelka.
Weftiga Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxay kulan wada yeelanayaan Weftiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, halkaas oo wada hadal ku dhex mari doono uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ku dhex dhexaadinayo labada Dal.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa Dalka Jabuuti loogu soo dhaweeyey meeqaam sare, illaa iyo intii la dajinayey Hotelka Kambiskina waxa laga dareemayey magaaladda jabuuti soo dhaweyntiisa, iyadoo jidadka uu weftigu marayey la kala xidhay.
Ciidanka Bam boyda Dalka Jabuuti ayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku soo dhaweeyey Madaarka Jabuuti, halkaas oo uu Madaxweyne Siilaanyo kaga qaatay Salaan sharafta Madaxweynanimo.
Ka hor inta aanu Weftiga Madaxweyne Siilaanyo soo gaadhin Dalka Jabuuti waxa Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa hadal kooban oo ujeedada safarkaooda ah ka jeediyey, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, waxaanu sheegay in ay Dalka Jabuuti kula kulmi doonaan wefti kale oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliya, isagoo sheegay in uu martiqaad u fidiyey Isaamciil Cumar Geelle.
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay inay sii ambaqaadayaan wadahadaladii u dhaxeeyey labada Dal.
Si kasta ha ahaatee kulanka Somaliland iyo Somaliya ayaa la filayaa in uu qaato muddo saddex cisho ah, sida ay sheegeen xubno Weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo ka mid ahi.