Waxa Taa Ka Daran Madaxwayne Ka Xanaaqaya Musuqmaasuqa, Haddana Wasiirkiisa Maaliyadda Maalin Walba Ay Jeebka Ugu jirto $ 200.000 doollar”

Waxa Taa Ka Daran Madaxwayne Ka Xanaaqaya Musuqmaasuqa, Haddana Wasiirkiisa Maaliyadda Maalin Walba Ay Jeebka Ugu jirto $ 200.000 doollar”

buurmadow

Madaxwaynuhu isaga ayaa xisbiga iyo siyaasadda dawladdaba majaraheeda haya, markaa isaga ayaana laga rabaa inuu kala hago”
Hargeysa, (Salaanmedia.com)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud (buur madow) ayaa si adag wasiirka maaliyadda Somaliland ugu dhaliilay arrimo musuq maasuq, isla markaana sheegay in aan madaxweynaha laga yeelayn musuq maasuq ma jiro.
Boqor Buur madow hadal uu warbaahinta qaar ku siiyay khadka telefoonku wuxuu u dhignaa sidan“Qodobbada ka soo baxay wadahadalladii Jabuuti waxaan u arkaa Guul u hoyatay Somaliland, waanan ugu hambalyeynayaa Madaxwaynaha iyo weftigisii, Somalilandna waxay u ahayd arrin loo baahnaa in lagu dhiirado, waayo waxaan qabaa inay meeshaa ka soo baxeen arrimo badan oo Somaliland dan u ah. Arrimaha Masiiriga ahi waa ta kaliya ee ay dantu ku jirto in laga wada hadlo, waayo 23 sanadood ayaynu is hor-fadhinaa (Soomaaliya) markaa waan soo dhaweynaynaa in arrimaha lagu dhiirado oo laga wada hadlo.
Siyaasaddu waa kubad la ciyaarayo oo kale, Siidhi-waluhu haddaanu kala hagin laacibiinta wada ciyaaraya, garoonka oo dhan ayuu khalkhal ku dhacayaa. Markaa Madaxwaynuhu isaga ayaa xisbiga iyo siyaasadda dawladdaba majaraheeda haya, markaa isaga ayaana laga rabaa inuu kala hago.
Ta kale, anigu lama gabado wixii dhaliil ah ee aan arko waxaanan jecelahay inay toosin noqoto, Madaxwaynaha waan ugu hambalyeynayaa waxqabadka badan ee uu dalka ka qabtey, waxaanan qabaa inuu yahay Madaxwaynihii ugu musuqmaasuqa yaraa ee soo mara Somaliland, waayo wax Foojar (Receipt) ku baxaya mooyaane wax kale oo uu saxeexo Madaxwayne Axmed Siilaanyo ma jirto. Laakiin ayaandarada jirtaa waxa weeyaan Madaxwayne taagan (Musharax ah) oo Wasiirradiisu yihiin Musharixiin lama arag (Adduunka), waxa taa ka sii daran Madaxwayne ka xanaaqaya musuqmaasuqa, haddana Wasiirkiisa Maaliyadda maalin walba ay jeebka ugu jirto $ 200.000 doollar oo hantidii ummada ah, oo uu dadka kala siinayo oo uu siyaasad (u isticmaalayo), waxaan leeyahay arrintaa Madaxwaynuhu kama Madax-banaannayo. Arrintaasi waxay ceeb ku tahay dawladda iyo anshaxeedaba, in Madaxwaynihii oo nool la isla jiidhaa waxay ceeb iyo nusqaan ku tahay Madaxwaynaha iyo dhaqanka siyaasadda iyo xisbigaba. Haddii maanta odayaashu (Guddida horumarinta Sacad Muuse) is yidhaahdeen Musharixiinta beesha ururiya, oo musharixiintan badan la kala hadla, in Wasiir Samaale inta uu qaybiyo hal Milyan oo aan qaranka ka go’in uu Madaxwaynuhuna daawado, waxaan leeyahay waa arrin aan loo baahnayn, waayo waa musuqmaasuq loo baahan yahay in Madaxwaynuhu ku baraarugo. Madaxwaynaha laguma yaqaan musuqmaasuqa, laakiin inuu raali ka noqdo musuqmaasuqa Wasiirradiisa (Looma baahna). Samaale halkuu kala yimid lacagtan uu qaybinayo ee uu ku boolatiigayo, Caanteyn muu haysan maalintuu kursiga (Wasaaradda Maaliyadda) fuulay oo laba shaadh ayuu lahaa, maantana gelinkiiba wuxuu qaybinayaa $ 200.000 doollar. Waxaan leeyahay ayaandaro in Maaliyaddii dalka loo isticmaalo kala jajabinta Beesha Sacad Muuse, oo Wasiirka Maaliyaddu noqdo ninka leh awoodda dalka, markaa waxaan leeyahay Madaxwayne sharaftaadii iyo midnimada xisbiga iyo isbaheysigii beel ahaaneedba (Marka la eego), Madaxwayne waxaanu ku leenahay nooma cuntamayso in xisbigii uu annaga iyo adigaba horteena ku burburo.
Maxamed Biixi Yoonis (Wasiirka Arrimaha dibaddu) waa nin han leh, laakiin nin Musuqmaasuq ku jira oo lacag ku ciyaaraya maaha, laakiin Samaale inuu wasiirrada (Xukuumadda) ninka uu doonana Maaliyadda u badiyo oo uu janneeyo maaha, Madaxwaynahana ka awood bato waa ayaandaro.
Anigu waxaan ka hadlaa caddaalada, sidaa daraadeed Muuse Biixi kuma boolatiigayo lacag dawladdu leedahay, laakiin Wasiir Samaale lacagta uu dalka ku khalkhal-gelinayaa waa tii dawladda, anigu ma doonayo in lacagta dawladda loo isticmaalo musuqmaasuq, waayo waxaan doonayaa in Madaxwayne Siilaanyo oo sharaf ka tago, markaa in lacagtii dawladda lagu baa’biiyo reero iyo xisbi maaha mid cuntanta, waxaan leeyahay Madaxwaynuhu arrinkaa haka qaato tallaabo oo wax ha ka qabto, aad baanan uga digayaa cawaaqib xumada uu keenayo (Hadhow).
Wasiir Samaale oo aanu qabanayn Kitaabkii uu bartay iyo kii uu qaranka ugu dhaartay oo hantidii umadda ku boolatiigaya Annaga beel ahaan taageero naga heli maayo, laakiin waa laga yaabaa in tixgelin la siiyo haddii uu ragga la mid noqdo oo uu ka dhex baxo Maaliyadda uu ku loofarayo, si caadiyana u soo tartamo.
Xilli doorasho lama gaadhin, haddii aanu Madaxwaynuhu wax ka qaban wasiirradiisan ololaha ka dul bilaabay oo aanu fadhiisin, qarannimaduna jiri mayso, markaa Madaxwaynaha ayaana laga rabaa inuu qarannimada iyo xisbigaba ka badbaadiyo wasiirradiisan hantidii qaranka ku boolatiigaya ee xisbigiina gacantooda ku burburinaya, iyada oo aan wakhti doorasho la gaadhin, markaa waa arrin Madaxwaynaha u yaalla.
Waxaan qabaa in musuqmaasuq la korinayo ee ma qabo in dimuqraadiyad la korinayo, dimuqraadiyadda ma waxa lagu korinayaa hantida ummada oo lagu boolatiigo, taasi dimuqraadiyad maaha ee way ka soo horjeeddaa, xisbinimada ayay ka soo horjeeddaa oo waa musuqmaasuq. Waxaanan qabaa inay ahayn in Maxkamad la saaro (Cidda waxaa wadda), arrinkaasina dimuqraadiyad maaha ee waxaan qabaa inay tahay ceebtii ugu weynayd ee dileysay Sharaftii uu Madaxwaynuhu ka kasbanayey shacabka, haddii aanu deg-deg wax uga qabanin…..”