Xukuumadda Oo Xoog Iyo Xeelad Ku Tijaabinaysa Soo Xerro Gelinta Suldaan Reer Awdal Oo Ka Soo Horjeedsaday Somaliland

Xukuumadda Oo Xoog Iyo Xeelad Ku Tijaabinaysa Soo Xerro Gelinta Suldaan Reer Awdal Oo Ka Soo Horjeedsaday Somaliland

5053

(Salaanmedia.com)-Warkani waxa uu sheegayaa madaxda Xukuumaddu inay dadka deegaanka iyo Odayaasha kala kulantay cabashooyin xoogan,

Xukuumadda Somaliland ayaa Hargeysa ka dirtay ciidan soo qabta Suldaan Abiibakar Cilmi Wabar iyo koox uu abaabushay oo dhawaan ku dhawaaqay inay Somaliland ka goosteen, isla markaana dagaal la galayaan. Ciidamadda oo ka kolonyaystay Hargeysa shalay subaxnimadii ayaa gaadhay deegaanada Boon iyo Qulu-jeed oo loogu sheegay inay ku dhuumaalaysanayaan Suldaan Wabar iyo Maleeshiyada uu samaystay, kuwaas oo markii hore sheegtay inay ku jiraan gudaha

Itoobiya. Wararka hordhaca ah ee ka soo baxaya Gulufka ciidan ee ay xukuumaddu ku qaaday kooxdan sheegatay inay Somaliland la dagaalamayso ayaa sheegaya in ay ku dhuumaalaysanayaan dhulka Buuralayda ah ee Degmooyinka Boon iyo Qulu-jeed, isla marakaana ay ka war heleen duulaanka ay ciidamada Somaliland ku baadi-goobayaan. Ilo wareedyo u dhuun daloola hawl-galka Xukuumadda ayaa sheegaya in ay xukuumaddu bar bar wado hawl-galkeedan mid dublamaasiyadeed oo ay doonayso inay kooxdan ku soo xero galiso, waxaana dhinac gulufka ciidanka mid kale oo ay madax ka tirsan xukuumaddu kulamo kula leeyihiin dadka deegaanka, kuwaas oo ay ka codsanayaan inay gacan ka siiyaan xalka kooxdan hubka lagaga dhigayo. Warkani waxa uu sheegayaa madaxda Xukuumaddu inay dadka deegaanka iyo Odayaasha kala kulantay cabashooyin xoogan, kuwaas oo salka ku haya in ay xukuumaddu dayacday Gobolka, waxaanay sheegeen in aanay arag maamul hagaagsan oo wax ka qabta baahiyaha ay kooxda Buuraha gashay ka cabanayaan. Dadweynaha Gobolka Awdal ayaa kooxdan aragtiyo kala duwan ka bixinaya sababta kaliftay waxaanay intooda badan carabka ku dhufanayaan inay la xidhiidho dano dhaqaale, kuwaas oo ay kooxdu ku lux luxanayso xukuumadda, wallow ay jiraan kuwo kale oo Ishaaraya inay gacmo shisheeye ku jiraan mabda’a ay kooxdani ku dhawaaqday.