Dee (Mucaaridku) waxay ka baqayaan inaan istaago, waan istaagayaa, waanan Taaganahay, Ee waa inoo garoonka” Madaxweyne Siilaanyo

Dee (Mucaaridku) waxay ka baqayaan inaan istaago, waan istaagayaa, waanan Taaganahay, Ee waa inoo garoonka” Madaxweyne Siilaanyo

Ziilanyo 2

Hargeysa (Salaanmedia.com) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa waraysi khaas ah oo uu siiyay telefishanka qaranka kaga jawaabay su,aalo uu waydiiyay weriyaha badanaa raaca safaradiisu.

Mar la waydiiya su’aal la xidhiidhay da,diisa wuxuu ku jawaabay, “Da’du Kolayba wax xun ma aha,da’daydu kuna yaraan mayso kuna waynaan mayso sidaa ee intaa aan ahay ayuun baan ahay,Laakiin inaan awood leeyahay, oo dhaqaaqi karo, socon karo fikiri karayo oon shaqaynayo dee way iga muuqataa alxamdulilaahi rabil caalamiin. Waan mahadinayaa, Waan Caafimaad qabaa,Waan Wanaagsanahay ilaahay mahadii ayaan Joogaa”.

Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo ka Jawaabayay Qabsoomida doorashooyinka sannadkan badhtankiisa ku mudaysan ayaa sheegay, in Xukuumadiisa ay ka go’an tahay in doorashooyinku xiligoodii ku qabsoomaan isla markaana ay dawlad ahaan diyaariyeen Wixii kaga beegnaa.”Doorashadu wakhtigeedii ayay ku dhacaysaa Inshaa allaahu Tacaalaa, anagu xagayaga Sidaad sheegtay waanu ka dhamaystirnay, Wakhtiga doorashada loogu talo galay way dhacaysaa, waanu ku xisaabtamaynaa, Waanan fulinaynaa, dimuquraadiyada dalkana waanu ilaalinaynaa oo xagayaga ka liici mayso inaan hagaajino mooyaane, Waajibka iyo Xilka na saaran waanu ka soo baxaynaa si buuxda ayaanu u gudanaynaa inshaa allaahu tacaala”, ayuu Siilaanyo.

Madaxweynaha oo la waydiiyay inuu isu soo taagayo doorashada soo socota iyo eedaymaha mucaaridka ee dhinaca Musharaxnimadiisa ayaa isagoo dhoola cadaynaya waxa uu kaga jawaabay;“Dee waxay ka baqayaan inaan istaago, waan istaagayaa, waanan Taaganahay, Inshaa allaahu waanan caafimaad qabaa, waanan wanaagsanahaye waa inoo garoonka .