Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro oo si weyn loogu soo dhaweeyey dalka Imaaraadka Carabta….

111

Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland ahna GXisbiga Mucaaridka ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa dalka Emaratka Carabta si weyn loogu soo dhaweeyey, Gudoomiye Ciro oo ay safarkiisa ku weheliyeen madax ka tirsan Xisbiga,Marwada Gudoomiyaha ayaa waxa caleemo qoyan kusoo dhaweeyey qaar ka mid ah jaaliyadda Imaaraadka Carabta iyo Tageerayaasha Xisbiga Waddani.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro ayaa dhawaanahanba safar ku joogay dalka Jabouti xaruntiisa  Jabouti oo uu kulamo kula lahaa madaxda ugu sareysa ee dalka Jabouit oo uu ugu horeeyo madaxweynaha Ismaciil Cumar Geele.

Gudoomiye Ciro ayaa safarkiisa Dubai la rajeynayaa inuu la kulmo madax fara badan oo dalka ka Tirsan,Jaaliyadda reer Somaliland iyo tageerayaasha Xisbiga Waddaniba.

Wixii war ah ee ka soo baxa lasoco wararkayga Danbe Insha Allah.

Salaanmedia/Dubai