Jamaal Cali Xuseen Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Iibka Gaarka ah ee Ay Xukuumaddu U Quudhay Warshadihii Laydhka ee Hargeysa iyo Berbera

Jamaal Cali Xuseen Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Iibka Gaarka ah ee Ay Xukuumaddu U Quudhay Warshadihii Laydhka ee Hargeysa iyo Berbera

Jamaal

Hargeysa (Salaanmedia.com) Murashaxa Jagada Madaxweynaha Ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Md. Jamaal Cali Xuseen ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay Qaabka ay Xukuumadda Kulmiye Warshadihii Laydhka ee Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera ugu wareejisay Shakhsiyaad Gaar ah.

Jamaal Cali Xuseen waxa uu Su’aalo Geliyay qodobada ay shuraakada ku yihiin Xukuumadda Kulmiye iyo Golaha Wakiilada Somaliland, waxaanu xusay in ay la yaaban yihiin sababta ay golaha wakiilada isugu hawli waayeen danta guud ee ay xukuumaddu sida gaarka ah uga dan gaadhay.
Sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal uu ku baahiyay Barta uu ku leeyahay Facebookga, waxaanu u dhignaa sidan
Beryahan

Danbe waxaynu Maqlaynaa Shirakadihii Laydhka ee Berbera iyo Hargeysa ayaa la iibiyey.
Waxaynu ognahay in markii India Lineka afarta guri uu Daahir Riyaale dawladiisii ay iibisay in xisbigga Kulmiye uu berigaasi dhawaaq dheer iyo qaylo ku dhuftay.
Haddaba maxaa shirkadihii dalka ee Korontadda loo iibinayaa? ileyn dawladihii hore sidan may sameyn Jirine? Kharashka ay dawladdu ku iibisay shirkadahani waa imisa? xaggee lagu shubay? maxaa gudidda qandaraasyaddu u maamuli waayeen oo tartan loogu geli waayey? Iyaddoo ay sidaasi tahay ma in dadka looga dhigo in horumar la gaadhsiinayo baa?
Dawladdani dhulkii ay ummaddu wadalahayd ee dawladda badankiisii waa la xaraashay oo weliba si ka baxsan sharciga ayaa loo iibiyey.
Waxaa ka sii daran Baarlamaankii oo lix sanadood oo ay yidhaahdeen waa xisaab xidh duuduub ku ansixiyey?
Maxay ku shuraako yihiin golaha wakiiladda iyo xukuumadda Somaliland Ma Duminta Iyo Cunista hantidda Ummaddaa? Ma Tuugaddaa Qaran in xafladdo Loo sameysto oo caqligeena la caayaa si badheedh ah?