Mareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Oo Dalacay Lacagaha Naaftada Iyo Petrolka Xili Ay Aduunyada Hoos U Dhac Wayni Ku Yimid.

Mareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Oo Dalacay Lacagaha Naaftada Iyo Petrolka Xili Ay Aduunyada Hoos U Dhac Wayni Ku Yimid.

Maareyihii

Hargaysa(Salaanmedia.com)Maareeyaha Haamaha Shidaalka Berbera Saleebaan Siciid Cali ayaa toddobaadkii tagay ee bishu ahayd 7/1/2015 soo saaray Digreeto uu shirkadaha Shiidaalka ku saarayo Cashuur dheeraad ah.
Mareeyaha Ayaa sheegay in Foosta Petrolka ee ahaan Jirtay $15.843 Laga dhigay $18.60. Taas oo culus Baaxdleh ku noqonaysa Ganacsatada Iyagu Shidaalka La Soo Dago.

Amarka cusub ee Maareeyaha ayaa durtaba culays ku keenay shirkadaha Shiidaalka, waxaanay Hadhwanaagnews soo gaadhsiiyeen cabasho la xidhiidha arrintan oo ay ku tilmaameen Xad-gudub iyo sharci darro, iyagoo ugu baaqay xukuumadda inay ka noqoto talaabadan Maareeyuhu ku soo rogay oo ay ku tilmaameen mid aan la aqbali Karin.

Saleebaan Siciid Cali waxa uu shirkadaha Shiidaalka ka ganacsada ku wargeliyey in ay bixiyaan cashuur uu sheegay in uu saaray Naaftada iyo Petrolka, xilli labaduba ay Adduunka hoos u sii socdaan.
Qoraalka Maareeyuhu ku soo rogay shirkadaha oo Nuqul ka mid ah ay Heshay Shabakada Caalamiga ah ee Hadhwanaagnews ayaa waxa uu u dhignaa sidan…..
Berbera Oil Terminal
Ku: dhamaan Shirkadaha Shiidaalka ka ganacsada
Ujeeddo: cashuur kordhinta Haamaha lagu qaadi jiray
Laga bilaabo manta oo taariikhdu tahay 7 January 2015 waxa la kordhiyey cashuurtii laga qaadi jiray shiidaalka, waxaanay noqon doontaa sida hoos ku qoran:-
⦁ Petrolka Foostadu waxay ahaan jirtay $15.843, qiimaha cusub waxa uu noqonayaa $18.60.
⦁ Naafto Foostadu waxay ahayd $13.172 waxa laga dhigay $15.60.
Sidaas darteed waxa la idin farayaa inaad isbedelkan cusub dhaqan galisaan laga bilaabo manta sida kor ku xusan.
Si kastaba Ha ahaatee Xili ay aduunyada Naaftada iyo Petrolka Hoos u dhac wayni ku yimid Ayaa hadana Mareeyahu Cadaadis Xoogan ku saaray Ganacsatada kuwaas oo iyaguna ka jaraya Dadka Danyarta Ah ee la Tiicaya Sixir Bararka.