Somaliland: Maxaa Iga Galay! Falanqayn

Somaliland: Maxaa Iga Galay!

wakiilada a

Sabtidii doraad golaha wakiiladdu wuxuu
wax loogu yeedhay duudduub ku ansixiyay
xisaab xidhadii 2008 ilaa 2013. Iyadoon
sanad keliya la hubin xisaab xidhkiisa ayaa
shir gudoonku yidhi, gacanta taaga,
sidaasaa lixdii buug lagu meel mariyay. 59 Xildhibaan oo la sheegay inay fadhiyeen, 43
ayaa ogolaaday, 13 kalena way diideen, inta
hadhayna way ka aamustay. Diiddayaashii
kulankaa fadhiyay waxay isku dayeen inay is
hor taagaan duudduub ku ansixintaa, balse
aqlabiyada may hor joogsan karaynin. Xildhibaanadda mucaaridka ku ahaa
qorshahaasi waxay sheegeen, in kaambayn loo sameeyay si aan dood looga gelin, isla markaana la
soo ururiyay xildhibaano qaarkood aanay iman jirinba fadhiyada. Waxa kale oo ay ku dooddeen, in
sharcigu yahay in laysla hubiyo miisaaniyadihii sanadahaa ee goluhu ansixiyay iyo xisaab xidhkooda,
si loo ogaado in bajadka loo isticmaalay siduu miisaaniyada ugu qeexnaa. Dekumentiyo fara badan
oo markhaati ahaan lagu hubiyo xisaab xidhka ayaa iyana meesha ka maqnaa. Waxa kale oo ay sheegeen, in aanuu xisaab xidhku ahayn wax fudud iyo mooshin siyaasadeed, balse uu yahay mid ka
mid ah tiirarka ugu waawayn ee toosnaanta dhaqaalaha dawlada muujiya, marka aan laga leexin
jidkiisa, marka la marin habaabiyana tuse u ah musuqa iyo wax is daba marinta nidaamka talada
markaa haya. Sidaa darteed, waxa sidan loo yeelay bay qabaan, xisaab xidh xalaal ah oo isku kalsoon
maaha. Khaladaadka ugu yar ee ay ku sheegeenna waxa ka mid ah, isu gaynta tiradda oo la sheegay
in khaladaad badani ku jiro. “Nin Xildhibaan ah oon golaha iman jirin oo inta loo yeedho la odhanayo, kaalay oo farta taag, waxaan qabaa inay tahay masaa,ib golaha haysta”. Odhaahdaasi
waxay ka mid ahayd weedhihii xubnaha mucaaridka mooshinkaa diidday. Waxa kale oo xubnahaasi
ku dooddeen, in toban sano oo ay kuraasta fadhiyeen, ay tahay markii u horaysay ee xisaab xidh la
hor keeno, laakiin, haddana aanuu jirin xisaab xidh la naaqishay oo goluhu waajibkiisa ka gutay,
marka loo eego sifaha khaldan ee loo inqilaabay shaqadii golaha, iyadoo laga ordayay in Gudoomiye
Cirro ka soo gaadho. Nuxurka weedhahaas oo dhami waxay qayb ka ahaayeen dhaliisha mucaaridka goluhu u jeediyeen xukuumadda iyo xildhibaanada muxaafidka ah ee golaha u fadhiya.
Dhinaca kale marka la eego, muxaafidiinta duudduubku dooddaha ay ka soo celiyeen dhaliisha
diiddayaasha, waxa ugu wayn in mucaaridka lagaga tirade badanyay goluhu uu u hogaansamo
aqlabiyada. “Haddii tirada badan loo hogaansami waayo, oo inta badani waxay doonayso la raaci
waayo, ma waxa la raacayaa kow iyo toban oo aan barako badan lahayn” sidaa waxa yidhi Xil.
Balaaki. Waxa kale oo ka mid ah doodda duudduubayaasha, in xisaab xidhadan hore loogu soo gudbiyay golaha, balse gudoomiye Cirro soo dhigi waayay. badi difaacoodu kama tagana intaas iyo
tirsiimooyin la mid ah ama la macne ah, isla markaana uma dhadhamayso tiraabta noocaas ahi mid
si dhab ah uga fekertay qalooca xisaabeed iyo ka sharci ee ay ku duudsiyeen toosinta danta qaranka
ee waajibkooda ahayd. Marka loo raaco tooda, kaba soo qaad inay run tahay oo Gudoomiye Cirro
hore u soo dhigi waayay, taa aawadeedna ay maqnaanshihiisa fursadan heleen. Ha helaan, laakiin
waxay iswaydiintu tahay, yay uga faa,iideeyeen fursadii, ma danta guud ee waajibkooda ah ayay u khidmeeyeen mise dan gaar ah?, intuu le,eg yahay khaladkay galeen?, magaca “xisaab xidh” ma
garanayaan dulucda waxay ansixiyeen?, sharcigu muxuu ka qabaa?, kuwaa iyo qaar kaleba waa
waydiimo meesha ku jira. Dhinac kale aan ka dhugano oo nidhaahno sida qolada kale ku doodayso,
Gudoomiye Cirro ayaa lagala cararayay. Haddii uu yimaado oo soo dhigo, maxaa dhici lahaa illayn
mar walba aqlabiyadu waa muxaafide?, maxay uga ordayaan ee ku kelifay gaadmo iyo duudduub
degdeg ah?. Dabcan, waxa la odhan karaa waxa laga ordayaa waa khalad laga cabsi qabo, haddii jidkiisa la mariyo
oo la falanqeeyo wuu muuqan doonaa, iyadoo kaa laga roorayana waxa muuqata in loo badheedhay
khalad ka wayn oo nidaam ahaan iyo maamul ahaanba wax dhimaal iyo qalooc ku ah. waxa loo arkaa,
mid sumcad xumo iyo bahdil ku ah waajibaadka golaha wakiiladda saaran oo awalba kalsoonida
shacabku ku qabaa liidatay.
Gunaanad Haddaad doonayso inaad yeesho sidaad doonto, waxa haboon inaad yeesho sidaad ku jirayso.
Midda kale, inaad haysato waxaad ku noollaato, waxa dhaanta inaad garanayso waxaad u
nooshahay. Qoriga waxa ka dhacda rasaas ajal goysa , dhaawac gayaysiisa naflaha, balse waxa la
yidhaahdaa qoriga si khaldan keebka loo qabto, waxaa ka khasaare badan qalin guran oo qalooc
saxeexay. Midi qofaf buu hoojaa, midna umad dhan buu hoojiyaa. Haatan, Weli waa la qoslayaa, la
faraxsan yahay, wax kasta oo dhacana laxan madadaalo iyo maaweelo ah baa la saarayaa. Sax ha ahaado, khalad ha ahaado, si kasta oo uu u saamaynayo danta guud ee nolosha umadda, waxa lagu
dhaafayaa hebel baa sidaa sameeyay iyo hebel kale ayaa sidaa yeelay, dabadeedna hebel baa
badiyay. Haybtiisa iyo caymiska qabyaaladiisana waa la daba dhigayaa. La yaab malaha oo qoom
waliba dawladiisuu helaa, dunuubtay falayaan ayaa lagu dulaystaa, cashuurtay bixiyaana jeedal baa
looga dhigaa. Maaha mid ugub ah oo dadkan uun la dhalatay, ee soo dhacdo horeba qoomam kale u
soo martay weeye. Laakiin damqasho hadaanay jirin oon wuxuun laga odhan qalooca iyo khaladka qaan gaadhka u muuqda maanta, marka dambe khasab Somaliland dibjir bay noqonaysaa.
Fadeexadan duudduubkana macnaheedu kama duwana “maxaa iga galay”.