Wafti Uu Hogaaminayo Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Golaha Wakiilada Oo Gaadhay Buuhoodle

Wafti Uu Hogaaminayo Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad Ee Golaha Wakiilada Oo Gaadhay Buuhoodle

Buuhoodle

Hargeysa (Salaanmedia.com) – Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa gaadhay Magaaladda Buuhoodle
Waftigan oo ay xubno ka yihiin Wasiiradda Hawlaha Guud, Wasiir Ku Xigeenka Warfaafinta iyo xubno kale ayaa la sheegayaa in ay goor dhaweyd gaadheen Magaaladda Buuhoodle. Madax-dhaqameedka iyo dadka deegaankaasi ayaa si diiran ugu soo dhaweeyay waftigan Magaaladda Buuhoodle. Ujeedada Waftigan ayaa lagu sheegay in ay ugu weyn tahay ka qayb galka Caleemo Saarka Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Duraan. Mudada ay joogaan Magaaladda Buuhoodle ayaa la filayaa in ay kulamo la yeeshaan madax dhaqameedka Beelaha Dega Gobolka Buuhoodle