Wasiirka Warfaafinta oo Digniin Ka soo Saaray Inaan La Isticmaali Karin Heestii Warka Radio Hargeisa Ku Soo Gali Jiray

Hargeisa, 12 Jan 2015 (Salaanmedia.com)-Wasiirka
Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi
Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay in
heestii uu Warka Idaacada Radio Hargeisa
ku soo gali jiray aan la isticmaali karin ,isla
markaan hees cusub la soo tumay taasina lagu badalay.Heesta hore Warka Idaacada

Radio Hargeisa ugu soo gali jiray ayaa
ahayd mid uu hal abuurey Basbaas oo ka
tirsan Abwaaniinta reer
Somaliland,waxaanu Wasiir cukuse sheegay
inay Heestaasi ku maqantahay dalka Somaliya isla markaana aynu uga hadhayno.