Xidhibaano Wacad Ku Maray In Ay Ridi Doonaan Xukuumadda Cusub Ee Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid

Xidhibaano Wacad Ku Maray In Ay Ridi Doonaan Xukuumadda Cusub Ee Ra’iisal Wasaare Cumar Cabdirashiid

wasiirro2015

Muqdisho, 13 Jan 2015 (Salaanmedia.com)-Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa go’aan ku gaadhay in ay ridi doonaan Xukuumadda cusub ee shalay soo dhisay Ra’iisalwasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxayna taasi ku sababeeyeen in uu ra’iisal wasaaruhu uga baxay ballan ay kala qaateen.
Xildhibaannadan ayaa ku doodaya in Ra’iisalwasaaraha ay isu ogaayeen in uu soo dhiso xukuumad cusub oo aysan ku jirin Wasiirradii hore, wuxuuna ra’iisalwasaaruhu soo dhisay gole wasiirro ah, oo u badan kuwii hore.
Ra’iisalwasaare Cumar Cabdirashiid mar uu ka hadlayay sababta uu u soo celiyay wasiirrada xukuumaddii hore wuxuu sheegay in uu go’aankaa u qaatay si aysan howlaha dawladda horyaalla ay habacsanaan ugu imaan, ayna wasiirradii hore sii wataan hawlaha horyaalla.
Waxaa la eegi doonaan sida ay Xildhibaannadu ka yeelaan xukuumada cusub oo Baarlamaanka la horgayn doono, si ay codka kalsoonida u hesho.