Xildhibaanada Waxaa Laga Soo Qafaashay Aqalladooda,Markaanu Sii Baadhnayna Waxa Soo Xidhay Madaxwayne Ku Xigeenka

“Waxaanu Leenahay Xukuumaddu, Dalka Cagaha Ha U Dhigto, Oo Sharciga Ha Ku Soo Dabaasho. Sharci la,aani haday shaqayso iyaguna Madaxwayne ahaan maayaan oo Madaxtooyada fadhiyi maayaan” Xisbiga Ucid

Cali-Guray

Hargeisa, 14 Jan 2015 (Salaanmedia.com)-Murashaxa Jagada Madaxwayne Ku Xigeen Ee Xisbiga UCID Mudane C/rashiid Xasan Mataan Oo uu wahelinayo Gudoomiye ku xigeenka sadexaad ee xisbigaasi ayaa shalay Booqasho ugu tegay Xildhibaano golaha Deegaanka Boorama ka tirsan oo in muddo ahba bilaa xukun ugu xidhan jeelka Mandheera, kadib markii xukuumaddu ka soo taxaabtay magaalada Boorama oo ay masuuliyiinteeda ka mid yihiin.

Masuuliyiintan xisbiga Ucid ee booqashada ku tagay jeelka Mandheera waxay warbaahinta gobolka Saaxil uga warbixiyeen xaalada ay ku sugan yihiin xildhibaanadu, iyagoo sharci daro iyo dastuur jebin ku tilmaamay xadhigan mudada ay xildhibaanadu iyagoo xasaanad leh ku xidhan yihiin.

Cabdirashiid Xasan Mataan musharaxa jagada madaxwayne ku xigeen ee xisbiga Ucid ayaa ugu horayn ka hadlay xadhiga xildhibaanada oo uu sheegay in ay mudo bil iyo badh ah sifo sharci daro ah ugu xidhan yihiiin jeelka, waxaanuu yidhi “waxaanu soo maray jeelka Mandheera oo aanu ku soo booqanaynay laba xildhibaan oo laga soo xidhay deegaanka boorama, oo ku xidhan jeelka mudo dhawr iyo afartan habeen ah, waxay u xidhan yihiin oo micno lehna ma jiraan, waxay taasi ka mid tahay sharciyada dalka ee lagu tumanaayo, xildhibaano hore ayaa gacan loogu geysatay Berbera, kuwo kale oo kulmiye gudahooda ah ayaa lagu xidhay is haysigii kulmiye dartood, kuwana waa kuwii laga soo qabtay Boorama, waxay u xidhan yihiin oo aan ahayn Boorama ciidan uma baahna ee cadaalad bay u baahan tahay ma garanayno.”

Cabdi Rashiid Xasan Mataan waxa uu intaa ku daray oo uu baaq u diray xukuumada talada dalka haysa ee uu hogaamiyo Axmed Siilaanyo, waxaanuu ugu baaqay inay dalka cagaha u dhigaan. “waxaanu mar kale halkan baaq uga jeedinaynaa xukuumada, waxaanu leenahay Xukuumaddu, dalka cagaha ha u dhigto, oo sharciga ha ku soo dabaasho, sharci la,aani haday shaqayso iyaguna Madaxwayne ahaan maayaan oo madaxtooyada fadhiyi maayaan, sharci baa ina kala haya oo aynu ku kala joognaaye, waa in la dhawraa xuquuqda qofka bani aadmiga ah “, ayuu yidhi Cabdi Rashid Xasan Mataan oo dareen adag ka muujiyay xadhiga xildhibaanadaa oo uu ku tilmaamay sharci darro aan daw ahayn.

Dhanka kale, Cali Guray oo isna ka hadlay kiiskaa ayaa tilmaamay in xildhibaandu si sharci daro ah u xidhan yihiin, isla markaana wuxuu eedda xadhigooda dusha ka saaray madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, waxaanuu yidhi; “waxaanu soo booqanay xabsiga mandheera, kolay waxa nagu mudnaa maxaabiista u xidhan xaga siyaasada, waxaanu kula kulanay laba xildhibaan oo ka soo baxay xisbiga kulmiye ee aan ka soo bixin Ucid oo golaha deegaanka ee boorama ka tirsan oo goor habeenimo ah aqaladooda loogu dhacay oo laga soo qafaashay, dabeedna lagu soo xidhay jeelka mandheera, sidaanu warka ku qaadanay todoba cisho oo rumaana ayaa loo soo gooyay, iyada oo aan sharciga loo marin, afartan iyo dheeraad maalmoodna way xidhan yihiin, markaanu sii baadhnayna waxa soo xidhay ama soo qafaashay madaxwayne ku xigeenka “