Hogaanka Xisbiga Wadani Ee Dalka Ingiriiska Oo Si Wayn Usoo Dhaweeyey Khudbadii Gudoomiye Cirro Xukuumadana Uga Digay Inay Mad-Madaw geliso Doorashada.

image HOGANKA XISBIGA WADDANI ee Uk ayaa Kulan aan caadi ahayn isugu yimi
Caasimada Dalka Ingiriiska ee London kulankaas oo taageero iyo Hambalyo u ahaa khudbadii uu shalay 19-2-15 jeediyay gudomiyaha xisbbiga waddani mudane cabdiraxman maxamed cabdilahi cirro ee ka tarjumaayay dareenka shacbka somaliland ee ku nool dalka gudihiisa iyo dibadiisaba taas oo ahayd
Khudbad taabatay qalbiga qofkasta oo muwaadin somalilander ah khudbadaas Gudomiye Cabdiraxman maxamed Cabdillahi (( Ciro )) oo dhinacyo badan tabatay Sida doorashada dalkeena.
Somaliland iyo waxa xigi doona haddii ay xukuumada talada maanta haysa oo ku
guuldaraysatay inay dhamaystirto hawlihii looga baahnaa inay qabato intaan la gaadhin wakhtiga doorashada si loo helo doorasho xor iyo xaal ah in dalka laga qabato wakhtigii loogu talo galay ama lawada sugaayo
oo ku beegan 26-june 2015 Gudoomiyha oo khubadiisu ay ahayd mid taariikhi ah oo ay ku
diirsadeen shacbiga somaliland meelksata oo ay joogaan mudana ay sugayeen gudo iyo debadba
Hoganka xisbiga waddani uk ee maanta isugu yimi Caasimada Uk ee London waxay bogaadiyeen oo
hambalyeeyeen go`aanka ku soo beegmay xiligiisii saxda ahaa ee uu ka qaatay xisbiga waddani xukuumada ku guul
daraysatay diiwaangelinta muwaadiniinteeda, iyo diyaar garaynta ama fududaynta howlaha farsamo ee suurto gelinaaya inay doorashadu xiligeedii ku dhacdo, xukuumda kulmiye oo caado iyo dhaqan ka dhigatay boob iyo musuq maasuq iyo maamul xumo ku tagrifalka hantida umada iyo ka gacaga jiidka diyaarinta hawlaha doorashooyinka hadaba waxaanu cid walba uga digaynaa inay isku daydo mudo kordhin xaaraan ah oo aan u cuntamin muwaadiniinta xalaasha ah ee ku
hungoobay codkoodii ay siiyeen xukuumada talada maanta haysa.ee kulmiye
Waxaanu ugu baqaynaa golaha guurtida inay ka waantoobaan inay ku kacaan talo xumo aan looga fadhiyin, lagana wada tashan oo aan raali laga ahayn oo uu dalku ka
dhaxli doono niyad jab iyo rejo xumo iyo sumcadii somaliland calamka ku lahayd oo god dheer ku
dhacda waxaanu baaq u diraynaa cid kasta oo ay khusayso ama danaynaysa badbaadinta
iyo jiritaanka somliland iyo horumarinta demoqraadiyada oo ay kow ka yihiin muwaadiniinta reer somliland ee dalkooda iyo umadnimadooda jecel inta danaysa arimaha somaliland gaar ahaan wadamada daneeya nabada iyo horumarka somaliland iyo geeska africaba sida european union, America. IGAD. African Union, Ururka Islamka, inay fiiro gaar ah u yeeshaan xaalada doorashooyinka somaliland, Hogaanka Xisbiga waddani ee dalka ingiriisku Waxay u gudbiyeen Nuqul kamida khudbadii taariikhiga ahayd ee
Gudoomiyaha XISBIGA WADDANI Wasaarada Arimaha Debeda Ee
Dalka United Kingdom.
Alla Mahad Leh
Hoganka Guud ee
Xisbiga waddani
United Kingdom