War Deg Deg Ah Afar Nin Ayaa Ku Dhintay Ciidan Beeleed Iska Hor Imaad Gaadmo Ahi Ku Dhex Maray Deegaanka Coodale Ee Hawdka Bariga Burco

War Deg Deg Ah Afar Nin Ayaa Ku Dhintay Ciidan Beeleed Iska Hor Imaad Gaadmo Ahi Ku Dhex Maray Deegaanka Coodale Ee Hawdka Bariga Burco

stock-footage-breaking-news-150x150

Afar Nin Ayaa ku dhintay dagaal gaadmo ah oo ay ku soo Qaadeen Ciidan beeleed ka soo jeeda Deegaanka buuhoodle niman Baraago ka qodanaya deegaanka Tuulada Coodale Oo ka Soo Jeeday Bariga Burco Isla Markaana Ay Halkaasi ku qabsadeen Kuna Aaseen Goobtii Baraagaha laga Waday ciidan beeldaakaasi weerarka gaadmada ah lahaa ee ka soo jeeday deegaanka Buuhoodle
Sida Ay u Xaqiijinayaa Shabakada Salaanmedia.com illo Wareedyo Lagu Kalsoonyahay Ayaa Sheegaya In Dagaalkaasi uu uu Xalay Iyo Saaka Ku Dhex Maray Ciidan Beeleedyada Ka Soo Kala jeeda Deegaanka Buuhoodle Oo Iyagu Weerarka Hore ee Gaadmada Ah Ku Dilay Inta La Hubo Afar Nin Iyo Niman Baraago ka qodaaya Deegaanka Coodale Oo Ka soo Jeeday Beesha Bariga Burco

Dhanka Kale Waxaa Suuqa Bariga Burco Saaka ka Soo qaxay Dad shicib ah Oo ka soo Jeeda Ciidan beeleedkaasi Dilka Iyo Weererka Gaadmada Ah fuliyay Ee Deegaanka Buuhoodle Isla Markaana Ay Dadkaasi u Soo Qaxeen Dhinaca Galbeedka Burco Ka Dib Markii Ay Ku Gadoodeen Dadkii Ka Soo Jeeday Bariga Burco Ehelkana ay ahaayeen Ragaa lagu Laayay deegaanka Coodale

Xaalada Ayaa Imka Cirka Ku Shareeran Oo Labada Dhinacba Ay Ku Daad Guraynayaan Goobtaasi Dagaalku Kadhacay Gurmad Tiro Badan Wixii Warar Ah Ee Ka soo Kordhana Waxaad kala soo Xidhiidhi Kartaa Shabakadan Caalamiga Ah ee Salaanmedia.com