Guddoomiye Muuse Biixi Oo Ka Badheedhay Muddo Kordhin Loo sameeyo M. Siilaanyo Xukuumadda, Xisbiyadda Mucaaridkana

“Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali
Waraabe, Markasta oo Dhirbaaxo
inagu Dhacdo Oo Aanu is nidhaahno
hadla Garba Duub Noo……”

Muuse1

 Hargeysa, (Salaanmedia.com)-
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi
Cabdi, ayaa ka hadlay dib u dhaca
doorashada 26-ka June ku mudaysnayd,
isla markaana wuxuu Mucaaradka u soo
jeediyay inay dulqaad muujiyaan sidii horeba ay ugu dulqaadan jireen dib u
dhacyada doorashada ku iman jiray. Gudoomiye Muuse Biixi oo shalay ka hadlayay Munaasibad Hargeysa lagu qabtay ayaa bulshada
Somaliland marag u gashaday sidii Xisbiga Kulmiye ugu dulqaadan jiray doorashooyinkii dib u dhici
jiray wakhtigii ay Mucaaradka ahayeen“Hal qodob Somaliland markhaati ha ka ahaato,Saddex jeer
oo la kordhiyay iyo mar xisbiga kulmiye la reebay ee lagu yidhi 82-ka cod ayaad ku hadhay, rag ragii
dhuuxa ku xidhay ee yidhi mahadli kartaan oo qaranka Somaliland ayaa ka wayn, waxa ay ahayeen
labada guddoomiye ee hadda mucaaradka ah Cabdiraxmaan Cirro iyo Faysal Cali Waraabe, Mucaarid ayaanu wada ahayn markasta oo ay dhirbaaxo nagu dhacdo oo aanu hadla is nidhaa
labadooduba Garba Duub ayay noo xidhayeen”, ayuu yidhi Muuse Biixi. Gudoomiyaha Kulmiye oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Waa dhab qaranka ayaa la isku qabtaa
qoyska ayaa la isku qabtaa, laakiin waa inaad yeelataa cid ku qabata,markaad cadhaysan tahay ee
wax lagaa dhaco waa inaad qabsoontaa,Laakiin, nasiib wanaag nimankii geedka nagu xidhay ee
qaranka ayaa waxan ka wayn ee geedka nagu xidhay, su’aal ayaan waydiinayaa labada
Guddoomiye,waar wixii aad shalay lahaydeen ee waad dul qaadanaysaan, qaranimadii Maanta
miyaad ilawdeen”. Gudoomiye Muuse Biixi, waxa uu Masuuliyadda dib u dhaca doorashada ka fogeeyay Xukumadda
iyo Xisbigeeda “Maanta (Shalay), waxaanu leenahay haday wax khaldamaan oo ay hawli timaado
khaladka cida Leh waa Laga naqsan doonaa,doorashadan daahdayna ma kulmiye ayaa reebay oo dib
u dhigay iyo dawladiisa? Mise wadani iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilada? Bal kaayaga Eedu
Raacdo Fagaare ayaa la iman oo Somaliland ayaa ka arimine, Taasi ha dambeysee waxan ay hadda
ku hadlayaan nimankani maanay ahayn Cabdiraxmaan Iyo Faysal Cali waraabe waxaan leeyahay halkii taagnaada oo waji kale hayeelanin”.