Jaaliyada Somaliland UK ( SLSUK ) waxay xusuusinaysaa bulshada Somaliland ee ku dhaqan UK in la gaadhay waqtigii laga arrinsanlaha dabaaldega maalinta qaaliga ah ee 18ka May 2015 oo ah maalintaynu ku dhawaaqnay gooni isu taageena iyo dib ula soo noqoshada madax banaanida Somaliland.

Ogaysiis

ssuk

Sidaa awgeed waxay SLSUK ka codsanaysaa  dhamaan cidii danaynaysa inay ka qayb qaadato qabanqaabada xuska maalintaa qaaliga ah inay ka soo qayb galaan kulan lagu falanqaynayo arrintaa muhiim ka ah oo la isugu imanaayo maalinta Jimcaha ee taariikhdu tahay 20/03/2015, 5ta galabnimo. Kulankaa oo ku qabsoomaya hoolka:

Jimciyada OSCA

102 Mile End Road, E1 4UN oo ku taala ka soo hor jeedka masjidka Al Hoda.

Guddida SLSUK