Dacwadii Maayaradda Gabiley Iyo Berbera Oo Meel Xun Maraysa, Xisbiyada UCID Iyo KULMIYE Oo Isku Maandhaafsan

17888531_1484370901597552_2006937337_n

Hargaysa (Salaanmedia.com)-Xaaladdii Maayarada Berbera Iyo Gabiley Cabdishakuur Maxamuud Cidin iyo Maxamed-Amiin Cumar Cabdi ayaa halkii ugu saraysa Maraysa waxaana arintaasi hadda isku maandhaafsan Xisbiyada UCID Iyo Kulmiye oo markii hore saaxiibo dhaw ahaa, iyadoo dhinaca kalena la soo sheegayo in Ergo nooc kasta ah oo odayaal iyo Siyaasiyiin ka koobani ukala dab qaadayaan Xisbiga UCID Iyo Maayaradan oo ay doonayaan inay xaalada nabad ku soo dabaalaan balse aanay illaa hadda damin ee ay hawshu marayso Gudida Diwaangalinta Ururada oo ka shidaal qaadanaya Xeer 14.
Illo-wareedyo madax bannaan oo Wargeyska Foore ka helay Jihooyinka ay arintani Khusayso ayaa noo xaqiijiyay in Dacwadani u janjeedho Dhinaca Maayarada oo ay qarka u saaran tahay in Maayarada sharciga la mariyo balse sida xogo dheeraad ah aanu ku helnay waxa ay arintaasi keentay inay Maayaradu istaadhaan Dad badan oo ambabasa Arintaasi islamarkaana ka farsameeya Dacwadaasi,iyadoo dhinaca kalena ay Olole culus dhinacooda ka wadaan Xildhibaanadii kuraastaasi xaqa ulahaaa Buuxintooda hadiiba ay dhacdo in Maayaradaasi iyo Xildhibaanada kula jira dacwada kar kaarka lawaydaariyo oo la dabaqo Xeerka qabanaya ee ay Lagu dacwaynayo inay jabiyeen.
Dacwadan ayaa halkii ugu saraysa Maraysa iyadoo ay gacanta ku hayaan Gudida Diwaangalinta Ururada Siyaasadu, ayaa la soo sheegayaa inay Cabsi iyo Wal culus ku hayso Xildhibaanada dacwadu ku socoto gaar ahaan Maayarka Golaha Deegaanka Gabiley Maxamed-Amiin Cumar Cabdi Iyo Maayarka Golaha Deegaanka Berbera Cabdishakuur Maxamuud Cidin, maadaama ay iyagu xilal culus hayaan islamarkaana si gaar ah loo xanuujinayo.
Maayaradan ayaa ergooyin badan maalmihii u dambeeyay kiciyay iyagoo culayska ugu badan saaray dhinaca Masuuliyiinta Xisbiga UCID ,Balse waxa la soo sheegayaa inay Ergooyinkaasi caqabad ku noqdeen oo ay dhaafi kari waayeen Musharaxiintii Golaha Deegaanka ku hadhay ee sugayaasha ahaa oo hadda waysada u soo biyaystay inay boosaskani buuxiyaan maadaama oo dacwad lagu oogay oo ay dacwaduna meel fiican u marayso islamarkaana ay aaminsan yihiin in Wax waliba Sharcigu ka wayn yahay oo Sharciga uun la dabaqayo.
Dhinaca kale Xisbiyada Kulmiye Iyo UCID ayaa si weyn iskugu seegan Arintani waxaanu Xisbi Waliba dhinaciisa ka wadaa sidii uu tiisa u meel marsan lahaa. Xisbiga KULMIYE Waxa uu u ordayaa oo gundaha u galay maayaradan la eryanayo islamarkaana waxa uu isku dayay inuu difaaco maayarada isagoo Awood Dawladeed isticmaalaya,halka dhinaca kale uu Xisbiga UCID-na daaqadaha ka dalacday oo uu wax walba ku xidhay in Sharciga la dabaqao,Lana sugo waxa uu ka yeelo Ragaasi la dacweeyay maadaama dacwadu jaran jaro ka soo gudubtay,Hawl badan la soo galiyay.