Deg Deg ]:- Faysal Cali Waraabe Oo Dacwad Lagu Soo Oogi Doono Iyo Cida Ku Soo Oogeysa + [Muuqaal]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Xildhibaano dhawaan xisbiga UCID dacwad ka gudbiyey kadib markii ay xisbiga Kulmiye ku
biireen ayaa waxaa ay iyaguna maanta sheegen in dacwad kale ay ku soo oogi doonan gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ay sheegen in uu sameeyey sharci jabin ah in uu mar saddex isku soo sharxo xilka musharax nimada xisbigaas oo ay sheegen in xeer 14 aanu ogoleen

Xeer 14 qodobkiisa 12 waxuu musharaxa madaxweynaha u ogol yahay in uu isa soo sharaxo laba jeer ,labadaas jeer ee uu sharcigu Faysal u ogol yahay wuu buray oo iminka waa markii saddexaad ee uu isa soo sharaxo , markaas hadii aanu nahay xildhibaanadii xisbiga UCID soo saarey Faysal anaga ayaa dacwad u qabna oo ka gudbin doona ” ayuu yidhi Xildhibaan Ibraahim Axmed Laangadhe

Sidoo kale xildhibaanadan oo maanta kulan la yeeshay gudida diwaangalinta ururada siyaasiga ah oo iyagu gacanta ku haya dacwadan lagu soo oogey si ay wareysi ula yeeshaan , waxaana ay sheegen in ay ku qanacsan yahiin waxii sharcigu ka soo saaro dacwadooda