Maayarka Magaalada Boorama Maxamed Xuseen Meydhane oo Noqdey Masuul Ku Suntan Horu u Socod iyo Ka Shaqeynta Horumarka Degmada Boorama

April 26, 2017 Boorama  (sm) – Isbadal iyo Horumar xoogan ayaa barhan magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal ku talaabsadey taasi oo sababteeda ugu weyn uu leeyahey Mayarka Magaalada Boorama Maxamed Xuseen Meydhane .

Waxana Dawlada hoose ka soo kabatey dib u dhiciii maamul xumo ee ku habsadey degmada Borama intii uu uu joogey mayirkii hore golaha deegaanka Boorama Suleymaan Xasan Xadi,
Iyada oo Mayir meydhane ku guuleystey bixinta mishaaro tiro badan oo ay lahaayeen shaqaalaha dawlada hoose Boorama kuwaasi oo lixbilood oo mishaara ku lahaa Dawlada Hoose Boorama ,waxana Lagu guuleystey bixinta Mishaarooyinkaasi kuwaasi oo ku farxeen dhamaan shaqalaaha dawlada hoose, sidoo kalse waxa la toosiyey nidaamka shaqo maaleed ee dawlada hoose iyada ooo kor loo qaadey Nidaamka sharciga iyo tayeynta Shaqalaaha Dawl;ada Hoose Boorama .
Waxana taasi bar bilaw fiican u noqotey hirgalinta iyo kor u qaadida dakhliga dawlada Hoose Sidoo kalena waxa uu maayir Meydhane ku guuleystey xakameynta Musuq Maasuqa baahsan kaasoo xadhkaha gooystey dul hoganaya Dawlada Hoose Boorama.
Waxana mudadaasi kor u kacey bilicda iyo quruxda degmada Borama ka dib markii uu wadooyin dhawra oo dayacnaan xoogan ka muuqatey taasi oo mayir meydhane ku guuleystey dib u dhiska Jidka hawblawha Borama ee SHIDE BILE ROAD iyo Dhismayaal Wadooyin oo ka harey mayirkii hore kuwaasi oo dhamaantood ahaa kuwo qaybyo ah .
Mudo Xileedka Mayir Meydhane waxa la soo Afjarey Qorshe baladhaan oo lagu soo Afjarayey Ay tiro badan oo Dhibaato xoogan ku hesey dadka ku dhaqan Borama kaasi oo lagu tir tirey Ay Tiradoodu kor u dhaaftey 800 oo Waxayaanka Aydaasi oo dadweynaha Borama ka raysteen dhibaatadaasi bulshaduna aad ugu diirsadeen qorshaasi .
Daacadnimada ,Dadnimada iyo Daalka duqa Demada Boorama waxa uu aad uga dhexmuuqdey Abaarihii bahsanaa ee ku dhuftey guud ahaanba gobolka Awdal kuwaasi oo banana iyo buurba uu seexdey sidii loo samatax bxinlahaa dadkaasi Abaaraha xoogan saameeyeen .
Sidoo Kale Maamulka Degmada Boorama waxa uu dedaal xoogan ka geystey taageerida Kabaayshaa aas aasiga sida caafimaadka iyo waxbarashada oo kaalin muuqata waxa ku oola ka qaatey isagoo xarumo caafimaad oo ka kooban M.C.H.yada Degmada Borama deeqo daawooyina iyo Agabka waxa lagu Diifiyo gaadhsiiyey iyo dhismayaal tiro badan oo lagu kordhiyey dugsiyo ku yaala Magaalada Boorama kuwaasi oo qayb ka Noqonaya Horumarka Degmadu ku talaabsatey .
Waxana Mudooyinkii ugu Dambeeyey Masuuliyiinta Degmada Boorama si weyn uga dhex muuqdeen ololaha lagaga Hortagayo cudurka shuban biyood oo ka dilaacey xaafadha galbeedka Magaalada Boorama khaastan xaafada hayayaabe taasi oo mayirka boorama dededaal la taabankaro oo galiyey sidii looga hortagi lahaa , isagoo sidoo kale deeq daawooyina iyo gar gaaro kala Duwan ku Wareejiyey masuuliyiinta Cusbitalka Degmada Boorama , taasina waa Mid duqa degmada Boorama horseed ka Noqdey bulshadan inteed kalena ka qayb qaateen sidii Bulshada looga wacyigalinlahaa cudurka shuban biyood ka ee ka dilaacey degmada Boorama .
Waxana Markaste Muhiima in Bulshada iyo Maamulka Gobolk ,Ka Heer Degmo gacmaha is qabsadaan is horey loogu socdo Jidka Horumarka Degmada Boorama iyo Guud ahaanba Gobolka Awdal …

d
Wariye Ayaaanle Siciid Cabdi