Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland

Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland

Axad.30.04.17.Laga oo soo bilaabo markii ay Somaliland dib ula soo noqotay qaranimadeeda, ma aysan hellin mashruuc maaliyeed oo lagu maalgalinayo kaabayaasha bulshada, sida waxbarshada, caafimaadka ,beeraha,Waddooyinka iyo adeegyada kale ee bulshada muhiimka u ah. taasina waxa ay sababtay inay hoos u dhac ku yimimaado adeegyadii bulshada, nassiib wanaag markii xisbiga kulmiye xukunka la wareegay 1dii-july-2010, Waxay wasaaradda qorshayntu samaysay qorshe qaraneed (National Planning) halkaasi oo uu ka bilaamay Mashruuca  horumarinta qaranka Soomaaliland ee SDF ( Somaliland Development Fund) mashruucani waxa uu sababay inuu kor u qaado adeegyadii bulshada.

Mubaarak Cabdillaahi Daljir oo ah agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda qorshaynta qaranka Soomaaliland ayaa waxaa uu faahin ka bixiyay goortii uu bilaabmay qorshaha horumarinta qaranka waxaanu yidhi: Qorshaha horumarinta qaranku waxa uu bilaamay 2012 kii qorshahaas oo loogu talagay inuu shaqeeyo muddo shan sano ah, qorshahaasi oo himiladiisu ahayd marka laga gaadho 2030    sida ay  soomaaliland u ekaanayso dhanka dhaqaalaha iyo dhanka bulshada, qorshihii horumarinta qaranka ee  shanti sano hore waxaa uu dhamaaday  2016

Waxaana bilaamay shanti sano ee danbe ee qorshaha horumarinta qaranka, qorshahaasina waxaa uu shaqaynayaa 2016-2021 ,ilaa hadda diyaarintiisii ayaanu gacanta ku haynaa  waxaana goloyaasha qaranka iyo bulshadaba  aanu  usoo bandhig doona horraanta bisha shanaad ee sanadkan  iyadoo madaxwaynuhu saxeexi doono sidaasina lagu hawl galidoono ayuu yidhi Mubaraak Cabdillaahi Daljir oo ah agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaarada qorshaynta qaranka ee soomaaliland.

Agaasime Mubaraak waxaa kale oo  uu sheeagay in mashruuca horumarinta qaranka  ay u hirgashay in ka  badan boqol iyo konton (150) mashruuc waxaana kamid ah oo la ballaadhiyay dekadda Berbara,wadada ceerigaabo, waxbarshada dugsiyada hoose dhexe oo bilaash laga dhigay, waxaana  la shaqaalaysiiyay macalimiin badan, cisbitaallo badan oo la dhisay iyo qaar dib u habayn lagu sameeayay, biyaha iyo jidka u dhaxeeya Wajaale iyo Boorama.

Mubaarak, waxa kale oo uu tilmaamay in mashruuca horumarinta qorshaha qaranka ay ka tageereen Somaliland wadamada laysku yidhaahdo Midowga Yurub waxaana kamida UK, Holland, Denmark iyo Britain.

waxaa kale oo uu sheegay mucaawino sitoosa loo siiyo Somaliland ay jirto taasoo la soo mariyo Wsaaradda maaliyada sida Bankiga adduunka iyo mashaariic lasoo mariyo Bankiga horumarinta Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Sanduuqa horumarinta qaranka ee SDF waxa uu kaga duwan yahay mucaawindii sida tooska dawlada loo siin jirey , waxaa dhaqaalaha la soo marsiiyaa sanduuuqa  hormarinta qaraka dabeed dawlada ayaa qoondaysa meelaha lacagtaasi la galinayo iyada ayaa maamusha go,aankeedana leh,Xagii markii hore ay haayaduhu ka maamuli jireen.

Agaasimihu waxaa uu tilmaamay  caqabadii ay la kulmeen intii uu socday mashruuca qorshaha horumarinta qaranka inay ahayd sidii loo maamulay lacagaha  faraha badan oo qaarkood ay ahaayeen malaayin dollar, inay dadku la qabsan waayaan mashaarciicdaasi  lacagaha malayinka dollar ku baxayso ,sidii loo maamuli lahaa  iyo inay dawladu maamuusho lacagahaasi, nidaamka cusub sidii shaqaaluha ula qabsan lahaayeen.

Mashruuca horumarinta qaranka waxaa maamula guddi ka kooban dawladda iyo wadamada deeqaha  bixiya waxaana gudoomiye u ah wasiirka qorshanta waxaana Guddoomiye ku xigeen u ah wasiir dawlaha wasaaradda qorsheynta qaranka,guddidaasi waxa ka hooseeya guddida qorshaynta qaranka oo go,aan ka gaadha mashaariicda laga maalgalinayo mashruurca horumarinta qaran ka ee SDF.

Mubarak Cabdillahi waxaa kale oo uu xusay in mashruuca horumarinta qaranka ay bulshada kala tashdaan ,tusaale ahaan mushruuca ay hadda diyaarintiisa ay ku jiraan,waxaa  uu sheegay inay tageen dhammaan gobalada dalka ayna la kulmaan bulshada ku dhaqan gobalada,iyagoo markaasi waydiiyay baahiyaha ugu daran iyo waxyabaaha mudnaanta ay siinayaan,

Waxaa Diyaariyay

Kooxda 2aad

Source Waheen

maqaal