Booliska Soomaaliya Oo La Siiyey Diyaarado Drone Ah , Cida Siisay Iyo Shaqooyinka Lagu Qaban Doono + [ Sawiro ]

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa qortay in booliiska Soomaaliya ay heleen
diyaaradaha sahanka ee drones-ka loo yaqaan oo aan duuliyaha wadin si ay ugu adeegsadaan la dagaalanka kooxaha argagixisada.

18664533_448091545537525_7641474456116733612_n-1

Sarkaal hore uga tirsanaa sirdoonka dalka Mareykanka, oo lagu magacaabo Brett Velicovich ayaa la sheegay in diyaaradahan oo shan ah uu ugu deeqay booliska Soomaaliyeed.

Diyaaradahan ayaa la sheegay inay booliiska ka caawin doonaan la socodka shirqoollada iyo ka hortagista qaraxyada kooxda Al-Shabaab