Cambaarayn iyo digniin ku socota xukuumada hada talada haysa.

Cambaarayn iyo digniin ku socota xukuumada hada talada haysa.

Anagoo ah bahweynta xisbiga waddani laantiisa Holland oo isu duuban, waxanu bayaankan aad IMG_4624 aad ugu cambaaraynaynaa falalka isdaba jooga ah baal marsan xeerarka iyo dastuurka qaranka ee ay caadaysatay xukuumada kulmiye ee hada talada haysaa. Falalkan foosha xun oo isugu jira xadhig sharciga baal marsan, cabudhin, cagajuglayn iyo jidh dil loo gaystay madaxda xisbiga ee ilaa wakhtigaa hada la joogo sifo sharciga baal marsan ugu jira jeelasha.

Dastuurka qaranku wuxuu baneeyay in ay jiraan xisbiyo qaran oo mucaarad ahi. Xukuumada hada talada haysaa qodobkaa dastuuriga ah way laashay. Taa micnaheedu waxa weeyi  waxay xukuumada kulmiye go’aansatay inay gabi ahaanba nidaamkii dimoqraadiyada ee dalku ku socday duuduubto, iskana laalaabto. Xisbiyadii mucaardka ee qarankana u diido xaqoodii dastuuriga ee ahaa inay dhaliilaan boobka iyo xaraashka lagu hayo hantidii umadan faqiirka ah ee abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga ah awalba la ildarnaa.

Waxaan hadaba si degdeg ah uga dalbanaynaa xukuumada inay si shuruud la’aan ah ugu soo celiso xoriyadoodii madaxda xisbiga waddani ee maanta jeelka ku jira. Ayna joojiso cagajuglaynta lagu hayo madaxda sarsare ee ku mashquulsan gurmadka ay u gurmanayaan shacabka xanuunada faafaa ay ku habsadeen sida shuban biyoodka oo goobo badan oo dalka ah ka dilaacay.

Cagajuglaynta xukuumada kulmiye waxa ka markhaati kacaya kadib markii gudoomiya xisbiga waddani isla markaana ah musharaxa madaxweynaha ee xisbiga waddani mudane Cabdirahman Maxamed Cabilaahi (Cirro) laga hor istaagay islamarkaana qori lagu qabtay, kadib markuu booqasho ugu tagay sarkaal ka tirsan xisbiga waddani oo saldhiga dhexe ee Hargeysa ku jiray.

Waxa kale oo arin tiiraanyo leh ah in wafitigii u horkacayay hogaamiyaha xisbiga waddani mudane Xirsi Xaaji Cali laga horjoogsado inuu daawooyin gaadhsiiyo cisbitaalka magaalada Caynabo ooy jiifeen dad la ildaran xanuunka shuban biyoodka. Xukuumadii iyadu u gurman lahayd shacabka waxay dan mooday inay ka hor istaagto masaakiinta gurmadkii uu xisbiga waddani rabay inuu gaadhsiiyo dadka jilicsan. Xukuumada hada jirta waxaan xasuusinaynaa in kuwa maanta taladii umadu u igmatay iyo awoodii gacanta loo galiyay u isticmaalaya inay shacabka iyo xisbiyada qaranka ku dhibaateeyaan in bari lala xisaabtami doono.

Wa bilaahi tawfiiq .

Gudida fulinta xisbiga waddani laantiisa Holland.

G. Xiis Maxamed.