Daawo ]:- Qaabkii Uu U Dhacay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Magaalada Moqdisho .

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Magaalada Moqdisho ee xarunta dalka Somaliya waxaa maanta ka dhacay
qarax xoogan gaar ahaan maqaayad ku taalla wadada Maka Al-Mukarama gaar ahaan ka soo horjeedka Ex-Shineemo Somalia.

https://youtube.com/watch?v=M7lf9tB7tQo

Qaraxan ayaa dad goob joogayaal ah waxay sheegeen in loo adeegsaday gaadhi waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey oo la dhigay afaafka hore ee Maqaayadan oo magaceeda la yiraahdo Italian Coffe.

Qaraxan ayaa ahaa mid xooggan oo si weyn looga maqlay inta badan magaalada, waxaana xiliga qaraxan dhacayey maqaayada ku sugnaa dad fara badan oo halkaas xiliyada galabtii u soo doonta Shaah iyo caffe.

Ugu yaraan 6 qof ayaa la xaqiijiyey inuu ku dhinteen, qaraxan halka toban kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo ka mid ahaa dadkii ku sugnaa maqaayada iyo agagaarkeeda sida ay sheegayaan warar aynu ka helnay ilo kala duwan.