[Daawo] :- Tahriibayaal Goor Dhaweyd Laga Bad Baadiyey Badda U Dhaxeya Dalalka Liibya Iyo Talyaaniga

Italy (Salaanmedia.com)_ Ku dhawaad 500 oo muhaajiriin ah ayaa laga soo bad baadiyey badda u dhaxeysa Liibya iyo Talyaaniga
, waxaana saacado ka hor ay dadkaasi ay gaadheen dalka talyaaniga sida ay sheegen Saraakiil ka tirsan dalka Talyaaniga .

Waxaana dadkan tahriibayaasha ah lagu bad baadiyey markab weyn oo dalka talyaanigu leeyahay , sidoo kale markabkaasi waxaa saarnaa meydad gaadhaayey 33 Qof oo biyaha badda ku dhintey .

Dadkan dhintey ee markabka saarnaa ayaa isku jiray 7 caruur ah , 14 dumar ah iyo 12 qof oo rag ah waxaana ay ku sii jeedeen dalka Talyaaniga