Dadkii Oo Xanuun U Jiifa Ayaa Naloo Diidey In Aanu Daawooyin U Geyno , Qoriyaha Ay Ciidamadu Igu Qabteena …..” Hogaamiye Xirsi Oo Si Kulul U Hadley +[ Muuqaal ]

Hargaysa (Salaaedia.com)_ Hogaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xassan ayaa waxaa uu si kulul uga
hadley ciidamada Booliska Somaliland oo ka hor istaagey in uu galo cisbitalka guud ee magaaada Caynaba oo dadka halkaasi xanuunka shuban biyoodka u jiifa uu gaadhsiiyo deeq daawoyin ah .

Hogaamiye Xirsi ayaa waxaa uu ficilkaasi ku tilmaamay mid aan loo dul qaadan Karin isla waxaa uu shacbiga reer Caynaba iyo reer Somaliland ba u sheegay in cuno qabateen aan sax aheyn la saaray shacbigii xanuunka u jiifay cisbitalka Caynaba

Sidoo kale Hogaamiye Xirsi ayaa waxaa uu deeqdii daawoyinka aheyd uu afaafka hore cisbitalka isaga oo taagan uu ku wareejiyey cuqaaasha magaalada Caynaba