Deg Deg ]:- Ciidamada Booliska Oo Hor Istaagey Isla Markaan Qoryo Ku Qabtey Hogaamiye Xirsi + [Goobta Iyo Sababta ]

Hargaysa (Salaanmedia.cim)_ Ciidamada Booliska Somaliland ayaa waxaa ay hogaamiyaha xisbiga Waddani
ka hor istageen in uu galo Cisbitaka weyn ee magaalada Caynaba si uu halkaasi ugu wareejiyo deeq daawooyin ah oo uu u siday dad xanuun u jiifa halkaasi

IMG_02CE3C-102CAD-C05921-D49C0F-021B6E-CC7AAF-1-1

Ciidamada Booliska ayaa waxaa ay qori ku qabteen Hogaamiye Xirsi isla markaana waxaa ay sheegen in ay qabaan amar uu bixiyey taliyaha qeybtu kaas o ah in aanu soo galin Cisbitalka .

Hogaamiye Xirsi ayaa waxaa uu warbaahinta iminka kula Hadley afaafka hore ee Cisbitaalkaasi oo ciidamo lagu wareejiyey isla markaana waxaa uu si kulul u canbaareeyey ficilkaasi

Sidoo kale Hogaamiye Xirsi ayaa waxaa uu deeqdii daawooyinka ahaa ee uu siday uu banaanka cisbitaka isaga oo taagan uu ku wareejiyey cuqaal iyo odayaal reer Caynaba Ah

Fiiro Gaar Ah :- Dhawaan Filo Muuqaalka Warkan