Deg Deg] :- Ciidamo Gadoodsan Oo Isku Shubay Xarunta Baarlamaanka Somaliland Iyo Waxyaabaha Ku Kalifay + [Muuqaal]

Hargaysa (Salaanmedia.com)_ Ciidamo gadoodsan ayaa waxaa ay maanta isku shubeen
xarunta baarlamaanka Somaliland , gaar ahaan aqalka golaha wakiilada .

Ciidamada ayaa waxaa ay kulan la yeesheen gudoomiyaha gudida arimaha bulshada ee golahaasi xildhibaan Xassan Cawaale isla markaan waxaa ay cabasho xoogan ka muujiyeen sicir bararka dalka ka jira oo ay sheegeen in uu sameyn weyn nolashoodii ku yeeshay

https://youtube.com/watch?v=0T_JH_7IVEY

Xildhibaan Xassan Cawaale gudoomiyaha gudida arimaha bulshada ee golaha wakiilada oo ay ciidamadani la kulmeen ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadu u sheegen in lacagta ay mushaharka u qaataan aanay kirada guryahooda iyo waxbarashada caruurta aanay ka bixin kareeen sicir bararka dalka ka jira awgeed waxaana uu madaxweyne Siilanyo ugu baaqay in sicir bararka dalka ka jira si deg deg ah wax uga qabto