Deg Deg ]:- Ciidamo Gadoodsan Oo La Wareegay Xarunta Wasaarada Gaashandhiga Somaliya Iyo Waxay Ka Qabanayaan + Ciidamada AMISOM Oo Ay U Awood Sheegteen

Muqdisho (Salaanmedia.com)_ Wararka ka imanay magaalada Moqdisho ee caasimada dalka Somaliya ayaa waxaa
ay sheegayaan in Ciidamo gadoodsan oo katirsan Milatariga Soomaalia ayaa goordhaweyd la wareegay xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho

IMG_E6CA6F-5CB830-FA1BC0-48342F-FDEC90-7A7EFC

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay diideen in la galo ama laga baxo xarunta Wasaarada.
Sida ay wararka ku helayso shabakada Ilaysnews.com ciidankan ayaa ah kuwa aad u badan oo wata gaadiidka dagaalka, waxa ayna xidheen qeybo kamid ah laamiga Warshadaha gaar ahaan Wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Ciidamadan ayaa la sheegayaa in ay ka gadoodsan yihiin mushaarkooda aysan helin dhawr bilood ayna doonayaan in ay helaan xaquuqda ka maqan.

Mid kamid ah askarta Milatariga ee gadoodka sameeyay ayaa noo sheegay in ay ka careysan yihiin hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya oo ku aadanaa in ciidanka Milatariga ay heleen mushaarkooda sadexdii bil ee ugu dambeysay, waxa uuna tilmaamay in dhawr bil mushaarkooda uu ka maqan yahay

Dhinaca kale ciidamada gadoodka sameeyay ayaa xitaa ciidamada AMISOM gaar ahana kuwa Burundi u diiday in ay maraan laamiga Warshadaha waxa ayna ciidamada AMISOM ku qasbeen in ay dib ugu laabtaan xerada ay ku leeyihiin Kuliyada Jaalle Siyaad kadib markii loo diiday in ay laamiga maraan.

Waana markii labada ee gadood sameeyaan Ciidanka Milatariga Soomaaliya ee ka cabanaya Mushaar la’aanta tan iyo markii xilka Madaxweynaha Soomaaliya loo doortay Farmaajo