Deg Deg] :- Madaxweyne Farmaajo Oo Iminka Ka Degay Dalka Jabuuti Iyo Ujeedka Safarkiisa

Jabuuti (Salaanmedia.com)_ Madaxweynaha dalka Somaliya Muddane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo wafti uu
hogaaminaayo ayaa waxaa ay maanta ka dageen dalka Jabuuti
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu kulan gaar ah la yeelan doona madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geele , waxaana ay ka wada hadli doonan xidhiidhka labada dal iyo la dagaalanka Ururka Al-Shabaab .

IMG_FFAA7C-B679A8-F8CEFE-336D6C-728507-7318CE

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti uu khudbad ka hor jeedin doona Baarlamaanka Dalka Jabuuti , khudbadaas oo ka hadleysa xaalada dalka Somaliya

Farmaajo waxaa uu sidoo kale ka qeyb gali doona munaasibad loo sameynaayo dekad cusub oo dalka Jabuuti Sameystay , waxaana booqashadani ay noqonesaa tii ugu horesay ee Farmaajo ku tago dalka Jabuuti intii loo doortey xilka madaxweynaha dalka Somaliya