Dhaqankii maanta iyo jabintii Dastuurka xasaanadda xildhibaanka.22.05.17

Dhaqankii maanta iyo jabintii Dastuurka xasaanadda xildhibaanka.22.05.17

QODOBKA 49AAD
DHAWRSANAANTA XUBINTA
GOLAHA WAKIILADAMaqaal

1. Xubinta Golaha Wakiilada loo qaban maayo, waxna loogu qaadi maayo arrin uu ogaaday ama uu Golaha soo hor-dhigay ama arrimo uu ra’yi ka dhiibay.
2. Waxaa ka reebban xukunkaas faqradda laad wixii cay ama aflagaado ah ee xubintu geysato.
3. Ma bannaana in laga qaado xubinta Golaha Wakiilada tallaabo baadhitaan ama waraysi ama qabasho ama xidhitaan ama tallaabo kale oo ciqaab la xidhiidha iyadoo oggolaansho looga helo Golaha Wakiilada mooyaane.
4. Waxa xubinta tallaabo laga qaadi karaa haddii Iagu qabto isagoo dembi faraha kula jira; markaana waxa waajib ah in Golaha si deg-deg ah loo ogeysiiyo.
5. Golaha waxa ku waajib ah inuu hubiyo in tallaabada laga qaaday xubinta ay tahay mid toosan.
6. Haddii aanu Goluhu fadhiyin, waxa waajib ah in oggolaanshaha tallaabada laga qaadayo xubinta laga helo Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiilada; Golahana waxa la soo hor-dhigayaa kal-fadhiga xiga.

7. Dacwadaha aan ciqaabta ahayn waa lagu oogi karaa xubinta Golaha Wakiilada iyadoo aan oggolaanshaha Golaha Wakiilada loo baahnayn

Zaki abdi baaw
Zakibaaw
Uk